Sida lagu baahiyey warbixin hor leh oo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadku ka soo saartay cudurkan, ayaa tilmaamaysa in tirada dadka cudurkan u dhintay ay gaadhayso 4024 qof oo geeridooda la xaqiijiyey ama loo ga shakisan yahay iinay ku geeriyoodeen waddamada Galbeedka Afrika ku yaala ee Guinea, Liberia iyo Sierra Leone.
S
iddeed ka mid ah dadkan ayaa xannuunkan ugu dhintay waddanka Senegal ee galbeedka Afrika halka qof kale oo u dhashay waddanka Liberia uu todobaadkii hore cudurkan ugu dhintay waddanka Maraykanka.Sida ay lagu sheegay war-bixinta Qaramada Midoobay, wadarta guud ee la xaqiijiyey in cudurkani haleelay ayaa gaadhaysa 8,399 qof oo badankoodu ku nool yihiin wadamada Galbeedka Afrika.
Qofkii u dambeeyey ee cudurkani haleelo ee meel ka baxsan qaarada Afrika, ayaa ah haweenay kalkaaliso caafimaad oo u dhalatay waddanka Spain, taas oo daawaynaysay Baadari ka hawl-galayey waddamada Galbeedka Afrika oo cudurkani ku dhacay.
Waddamada Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa xoojiyey baadhitaanno lagu samaynayo dadka rakaabka ah ee isticmaalaya madaarrada dalalkaas, si looga hortago halista cudurkan oo lagu tilmaamay inuu khatar ku yahay xasiloonnida adduunka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment