Friday, October 10, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Goor Dhaweyd U Ambabaxay Dalka Britain

Hargeysa:Oct,10,2014(Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamud(siilaanyo) iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka ka dhoogay, iyagoo kusii jeeda Dalka Britain oo ay kaga qaybgelayaan shir lagaga hadlayo arrimaha Ganacsiga Somaliland.

safraeMadaxweyne Siilaanyo, ayaa kahor intii aanu dhoofin, waxa uu qolka Nasashada kula Hadlay Saxaafadda, waxana uu sheegay inay ujeedaddiisu tahay sidii uu uga qaybgeli lahaa shir dawladda Britain Magaalada London ugu qabanayso ganacsiga Somaliland.

Shirkan oo bilowga Toddobaadkan soo socda ka Furmaya London, ayaa wax aka qaybgelayo ganacsato caalami ah oo ka kala socota dalal kala duwan iyo qaar u dhashay Somaliland, waxana lagu sharraxi doonaa fursadaha maalgashi eek a bannaan Gudaha dalka Somaliland.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxa ku wehelinayey wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Qorshaynta, iyadoo Haweenaydiisuna ay la socotay, waxana Dalka Ethiopia kasii raaci doona Wasiiro badan oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradda Arrimaha Dibadda, Ganacsiga, Macdanta iyo xubno kale oo xukuumaddiisa katirsani.

Safarka Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu qaato Toddobaad, waxana la filayaa inuu   dalka dib ugu soo laaban doono.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment