Laasqoray, 12 Oct, 2014 (Himilo)- Xeebaha Degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag, ayaa la sheegay inay yimaaddeen oo ay labadii maalmood ee ugu dambeeyey joogeen illaa laba Markab oo kuwa Kalluumaysiga ah oo la sheegay inay oggolaansho ka sitaan Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isla markaana si toos ah uga kalluumaysanaya deegaannadaas, sida ay Himilo u sheegeen qaar ka tirsan dadka deegaanka oo telefonka kula soo xidhay.
Hase-yeeshee, si aannu u xaqiijinno jiritaanka xaqiiqada warkan oo laga helay dad ka tirsan dadka degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag ku dhaqan qaarkood, waxa uu Wargeyska Himilo Weriye ka tirsani Khadka taleefanka kula xidhiidhay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo ku sugan magaalada Hargeysa, waxaanu weydiiyey waxa uu kala socdo Maraakiibta la sheegayo inay Puntland oggolaansho ka haystaan oo ay ka kalluumaysanayaan Xeebaha degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag.Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Mr. Buureed, waxa uu ku dooday inaanu waxba ka ogeyn Maraakiibtaas oo aanu warkooda haynin. “Warkaas anigu ma hayo, warbixin ku saabsan oo Masuuliyiinta deegaankaa noo qaabbilsan naga soo gaadhayna ma jirto, balse haddii ILLAAHAY yidhaahdo berrito (maanta), ayaan la xidhiidhi doonaa Masuuliyiinta gobolka iyo degmada-ba u jooga Wasaaradda, waxa ka jira iyo waxa aan ka jirinna markaas baynu si cad u ogaan karnaa, laakiin hadda ma ogi warkaa aad i weydiinayso.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland oo ka jawaabayey Su’aasha Wargeyska Himilo warkan ka weydiiyey.
Sidoo kale, Wargeyska Himilo waxa uu Khadka Taleefanka warkan xalay wax kaga weydiiyey Xoghayaha Degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag Ciid Cismaan Aadan oo ku sugan magaaladaas, waxaanu sheegay inaanay jirin oo aanu ogeyn Maraakiib Kalluumaysi oo Xeebaha Laas-qoray soo galay, balse waxa uu xaqiijiyey inay Xeebahaas joogaan Doonyo ay Mulkiyaddooda leeyihiin dad deegaanka u dhashay oo Kalluunka ka iibsada Kalluumaysatada degmada.
“Walaal ma ogi mana jiraan Maraakiib dhinaca Puntland oggolaansho ka haysata oo Xeebahan Laas-qoray ka Kalluumaysanaya, manaan maqal. Laakiin, waxa jira Doonyo yar-yar oo ay leeyihiin dad deegaanka u dhashay, kuwaasoo dalka Yemen geeya Kalluunka, waxaanay Kalluunka ka iibsadaan dadka deegaanka ee Kalluumaysatada ah. Markaas, kuwaasaaba deegaanka dakhli ahaan u dhaq-dhaqaaq ah oo ay Kalluumaysatadu kharash yar ka helaan, iyaguna waxay Kalluunka u iib-geeyaan dhinaca dalka Yemen.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayah degmada Laas-qoray Ciid Cismaan Aadan oo Wargeyska Himilo Weriye ka tirsan xalay ugu warramay Khadka Taleefanka.
Ciid Cismaan Aadan oo ka jawaabay su’aal nuxurkeedu ahaa Doonyaha dadka u dhashay Deegaanku ay leeyihiin ee Kalluunka Yemen geeyaa inta ay tiradoodu tahay iyo inay Somaliland ka haystaan oggolaansho ka ganacsiga iyo dhoofinta Kalluunka ah, waxa uu yidhi, “Doonyuhu waa laba Doonyood oo yar-yar, markii hore niman deegaanka u dhashay ayaa Wakiillo ka ahaan jiray oo Yemeni baa lahayd, laakiin immika dhawrkii sano ee u dambeeyey illaa saddex sano way noqonaysaa waxaa Mulkiyaddooda lahaa oo iibsaday Niman degmada Laasqoray u dhashay, kuwaasoo Ganacsiyana ka keena Yemen Kalluunkana geeya.”
“Nimanka Doonayahan lihi cidna kama haystaan oggolaansho Somaliland iyo Puntland toona, laakiin waa niman Deegaanka u dhashay, iyaguna Kalluunka ma soo qabsadaan ee waxay ka iibsadaan dadka deegaanka ee Xeebaha Laas-qoray ka kalluumaysta, kuwaas ayaabay suuq iyo dhaq-dhaqaaq u yihiin ee maaha niman iyagu Kalluunka Badda ka kalluumaysta ee way iibsadaan.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha degmada Laas-qoray Ciid Cismaan Aadan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment