Hase-yeeshee, Al-Shabaab, ayaa war ay soo saareen isla shalay ku sheegay inay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Weftigiisa ku weerareen gudaha magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose, iyagoo xusay inay weerarkooda ku bartilmaameedsadeen diyaaradda uu la socday Weftiga Madaxweynuhu.Weftiga Madaxweynaha oo ay Muqdisho ka qaadday diyaarad kuwa qumaatiga u kac ah. ayaa si nabadgalyo ah u gaadhay degmada Baraawe sida uu sheegay Guddoomiyaha degmada Baraawe oo magaciisa kusoo koobay Shaacir.
“Baraawe ayay si nabadgalyo ah kusoo gaadheen Madaxweynaha iyo wafdigii la socday.” Sidaa ayuu yidhi Shaacir oo sheegay in ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay, madaxweynuhuna uu billaabay inuu kulamo la qaato qaybaha bulshada iyo saraakiisha ciidamada iyo kuwa maamulka gobolka.
Al-shabaab ayaa qoraal ay soo dhigtay bogagga ay wararkooda ku faafiyaan ee ay ku leeyihiin Internet-ka waxay ku sheegtay inay weerartay diyaaraddii sidday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Weftigiisa, isla markaana ay khatar ku geliyeen inay soo ridaan Diyaaraddaas sida ay ku sheegeen qoraalkooda, balse diyaaraddaas oo nabad-qabta ayaa si nabadgelyo ah u fadhiisatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe.
Madaxweynaha iyo Weftigiisa, ayaa markii ay gaadheen magaalada Baraawe waxaa si wayn oo diirran ugu soo dhaweeyey halkaas dadweynaha kala duwan ee Baraawe ku dhaqan, Masuuliyiinta degmada, Maamulka gobolka, Dadweynaha iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM.
Waxa uu Madaxweynuhu soodhawaynta ay dadweynuhu u sameeyeen ka dib meel fagaare ah kala hadlay Boqollaal qof oo reer Baraawe ah, isla markaana waxa uu ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidammada kala duwan ee dawladda, maaddaama oo ay weli suuragal tahay inay hadhaaga Al-Shabaab dhibaato ka geysan karaan magaaladaas iyo nawaaxigeeda, inkasta oo uu xusay in awooddoodii si weyn loo wiiqay, haddana aan tuurtuurid laga waayeynin iyo inay isku dayaan inay waxyeelleeyaan nabadgelyada laga hirgeliyey Baraawe.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu dadweynaha reer Baraawe u ballan-qaaday inay dawladdu ka hirgelin doonto deegaanka adeegyada aasaasiga u ah nolosha aadamaha, sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyo Nadiif ah iyo bannaynta waddooyinka, sidoo kalena ay geyn doonaan Raashimo gargaar ah, maaddaama oo ay dadka reer Baraawe in badan ku hoos-jireen Heeryada Argaggixisada iyo gedoominta Al-Shabaab oo ay gacan dawladeed oo muuqata u baahan yihiin.
Degmada Baraawe ayaa mastaafo dhan 200KM dhinaca Koonfureed kaga beegan Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, waxaanay muddo lix sannadood dhan Saldhiggooda koowaad ee Soomaaliya u ahayd Malleeshiyada Al-Shabaab oo ka tirsan Shabakadda Argaggixisada Caalamiga ah ee Al-Qaacida, hase-yeeshee, labadii toddobaad ee u dambeeyey waxa gacanta ku hayey Ciidammada dawladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment