Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waraysi Wargeyska Himilo la yeeshay shalay, wuxu ku weydiiyey su’aal la xidhiidha sida loogu kalsoonaan karo ammaanka iyo xafidnaanta Liisammada Wadista Gawaadhida maaddaama oo ay Shirkad gaar loo leeyahay oo aan dawli ahayni gacanta ku hayso.Waxaanu Wasiirka Hawlaha guud ku dooday in Shirkadda heshiis lagula galay keliya Daabacaadda Lafta Liisammada kaxaynta Baabuurta, hase-yeeshee, ay Maamulka iyo bixinta Liisammada Wasaaradda Hawlaha guud gacanta ku hayso, lagana shaki qabin in sifo qaldan loo isticmaali karo Agabka iyo Sirta gaarka u ah Qaranka.
Wasiirka oo aanu weydiinnay su’aal u dhignayd: “Wasiir Dad badan ayaa isweydiiya Liisamaddan lagu wareejiyey Shirkad gaar ah kalsooni intee le’eg ayaa dhinac walba lagaga qabi karaa sidii aanu agabkan Qaranku sifo khaldan ugu baxeen ama loogu tasarufin?, waxa uu ku jawaabay, “Sida caalamkuba u dhaqmo waxa Shirkadda Qandaraaska lagu siinayaa waa samaynta agabka, laakiin waxa Maamulaya oo gacanta ku haynayaa waa Wasaaraddan (Hawlaha guud), marka shirkaddu samayso waxa ka qaadaya Xisaabiyaha guud oo ku soo wareejinaya gacanta Wasaaradda, Maamulkooda iyo Ammaankooda waxa Masuul ka ah Wasaaradda,” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Laakiin, maaha wax gacanta ugu jira Shirkadda, keliya waxa la iibsanayaa lafta liisanka, balse shaqadii bixintooda gacanta kuma haynayso. Immika waxaan qorshaynaynaa sidii hoosadii gaadhiidka dawladda loo hawlgelin lahaa, waxaan keenaynaa qalabkii lagu baadhayey gaadhiidka inay ku habboon yihiin maritaanka waddooyinka iyo ammaankooda.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Khaliif oo sii watay jawaabta uu su’aasha kore ka bixiyey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment