
“Xukunkii waxa uu Gacanta u galay Koox yar ooo sidii ay doonaan umaddii iyo dalkiiba ka yeelaya, saxaafadda waxa kaliya ee ay samaysayna waa inay wixii jirey uun soo bandhigtay markay soo bandhigtayna wixii iyo shuqulkii lagu yaqaanay Kali taliyayaasha oo xidha, dila, RRU udira ayuun baa lagu bilaabay.”ayuu yidhi Maxamed Yaasiin xasan.
Waxa uu Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu xusay in dawladdu meesha ka saartay shaqadii Booliska, isla-markaana ay ku wareejisay ciidankii Argagixiso la dirirka ee RRU-da loo yaqaanay, waxana uu yidhi,
“Dhibaatada jirtaa waxa weeye qofkasta oo dawladdaa maanta wax yar oo mucaaridnimo ah ku sheega waxa loo dirayaa RRU-da Ciidankaas waxa loogu talogalay in lagu hujuumo in wixii argagixiso ah lagu weeraro. Boliskii caadiga ahaana waa laga fadhiisiyey shaqadii, wax shaqo oo ay qabtaana maanta ma jirto, meel walbana RRU Baa la gelinayaa. Waxa kale oo wax lala yaabo ah in Nimanka dawladda ku jira oo madaxweynuhu ugu horreeyo oo garanaya Shacabkani dhibaatada iyo dulmigii ay dawladihii Militeriga ahi ku hayeen oo maanta dulmigii mid ka xun ku isticmaalaya.”
Maxamed Yaasiin Xasan waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu dhawaan ka Qaybgelayey Barnaamijka Dareenka Shacabka ee Tv-ga Horn Cable TV.
Maxamed Yaasiin Xasan ayaa ahaa wasiirkii ugu horreeyey ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Dekedaha, waxana muddo yar kadib uu Noqday Wasiirkii ugu horreeyey ee madaxweyne Siilaanyo Xilkaas ka qaaday.
Xukuumadda ayaa intaas kadib waxa ay Maamulka Dekedda kasoo hoos saartay Wasaaradda Kalluumaysiga, iyadoo hoos keentay Xarunta Madaxtooyada sidii ay horeba u ahaan jirtey xilligii xukuumaddii Daahir Rayaale.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment