Sunday, November 2, 2014

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Oo Beeniyey Inuu Guurtida Ku Celiyey Xeerkii Muranku Ka Dhashay Oo Dib u saxay

Hargeysa:Nov,02,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa beeniyey inuu Guddoomiyaha Wakiillada dib ugu celiyey Xeerkii diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo dhawaan la sheegay in Guurtidu usoo celisay Khaladaad ku  jirey dartii.

geerGuddoomiyaha oo maanta saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay inaanu jirin wax xeer sixitaan lagu sameeyey ah oo uu Guddoomiye saleebaan dib ugu celiyey, waxana uu intaas ku daray inuu Dib u celiyey jawaab la xidhiidha waraaq Saleebaan usoo diray, “Arintaas waxba kama jiraan,Sidaad ka war qabtaana nidaam ay kuwada shaqeeyaan ayay leeyihiin Golayaasha qaranku,Hore saxaafadu wax loogu qoray looguna sawiray waraaq uu ii soo diray Guddoomiyaha Golaha guurtida 16kii Bishii ina dhaaftay,aniga oo ixtiraamaya labada gole waraaqdii uu ii soo diray ayuunbaa uga jawaabay.”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inuu jawaabta waraaqdaas u diray sababo la xidhiidha ixtiraamka iyo wada shaqaynta labada Gole, waxana uu meesha ka saaray wax xeer cusub ah oo uu gudbiyey, waxana uu yidhi,

“Xeer cusubna umaa dirin xeerkina wali waxa uu yalaa Golaha guurtida,Wada shaqaynta iyo waraaqda gudoomiyihu ii soo qoray ayuunbaa uga jawaabay, waxaan Gudbiyayna Majiraan.”

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Wariyayaal kasoo warami jiray Gobolka Gabilay oo Xukuumadu Xabsiga dhigtay Iyo Xog-hayihii Xanaanada Xoolaha ee xisbiga wadani oo isna xidhan waxaana uu Xadhigaas ku Tilmaamay Mid Sharci daro ah waxaana uu yidhi

“Waxaan Xukuumada Baaq ugu soo jeedinayaa in ay soo dayso Wariyaasha Ay xidhay ee ku  sugnaa degmada gabiilay,ee ka shaqeeya saxaafada madaxa Banaan ee somaliland,Iyada oo la eegayo Madax Banaanida saxaafada lana ixtiraamayo,waa in Xoriyadooda lasiiyaa.u

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ugu baaqay Xukuumadda in xorriyadiisa loo soo celiyo Xoghayihii Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga Wadani, kaas oo xukuumaddu u xidhay hadallo uu wax kaga sheegay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment