Saturday, November 1, 2014

Israa’iil oo Ciidamo dul-dhigtay Masjidul Aqsa oo ay ka hor-istaageen in Qofkii 50 jir ka yari ku tukado

Qudus, 01 Nov, 2014 (Himilo)- Dawladda Yuhuudda ee Israa'iil, ayaa aad u adkeysay amniga nawaaxiga Masjidka Al-qadsa ee magaalada Qudus, halkaasoo Jimcihii shalay dib loo furay si loogu Tukado Salaadda Jimcaha ka dib markii la xidhay Khamiistii oo rabshado ay ka dheceen.
141031103533_the_dome_of_the_rock_with_the_al_aqsa_mosque_-_temple_mount_624x351_bbcKumannaan Askeri oo Israa'iiliyiin ah oo aad u hubeysan, ayaa Masaajidka u oggolaanayay inay galaan dadka da’doodu ka wayn tahay 50 sano jir oo keliya. Waxaana arrintaas aad uga cadhooday dadka Muslimiinta ah ee reer Falastiin oo ku tilmaamay inay Yuhuuddu ku kacayso arrin aan la qaadan karin oo faro-gelin ku ah gudashada Cibaadada Diinta Islaamku farayso ee ay Allaah (SWT) ku caabudayaan.
Falastiiniyiinta ku sugan magaalada Qudus, ayaa ku baaqay in la isugu yimaaddo dibed-baxyo ay ku sheegeen "Maalinta Cadhadooda", baaqaas oo daba socda Nin Falastiini ah oo Booliska Israa'iil ay toogasho ku dileen. Waxaa ninkaasi looga shakiyay inuu ka qeyb-galay weerar Arbacadii lagu qaaday dhanka Midigta oo ay ku cibaadeysteen Yahuudda Israa’iil.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee dawladda Mareykanka John Kerry, ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo xiisadda sii hureysa ee magaaladaas. Sidoo kale, Muslimiinta ayaa iyaguna walaac ka qaba inuu soo noqon karo Xasuuqii qadhaadhaa ee ay Yuhuudda Israa’iil sida isir-gumaadka iyo axmaqnimada ah ugu geysatay Shacabka reer Falastiin Bishii Ramadaan ee sannadkan aynu ku jirno ee 2014-ka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment