Sunday, November 2, 2014

SAYLAC: Dugsiga Hoose Dhexe oo Dhowr maalmood u Xidhan Xaalad Ammaan, Sababta Waxbarashada loo hakiyey iyo Biyo-la’aan magaalada Aafaysay

Maamulihii Dugsiga oo Hargeysa la dabiibayo iyo Kulan Madaxda iyo Shaqaalaha Dawladdu yeesheen oo lagaga tashaday Aayaha Dugsiga

“Arrintaas waxa sababay macalimiintiibaa ku andacooday oo yidhi kol haddii dugsigii lagu laynayo dadkii oo maamulihiina la dilay, annaguna waanu…” Guddoonka Waxbarashada

“Nin waalid ah oo carruurtiisu meesha dhigato ayaa na soo weeraray, wuxuuna bud la dhacay maamulihii Iskuulka oo dhaawacyo gaadhsiiyey,” – Maamule ku-xigeenka Dugsiga

“Waxa kale oo dadku biyaha ka dhaansadaan dooxa Bariisle oo booyado ayaa ka soo qaada, laakiin biyahaas…” – Isu-duwaha Wasaaradda Kheyraadka Biyaha SELAL
Saylac, 02 Nov, 2014 (Himilo)- Dugsiga H/Dhexe ee magaalada Saylac, ayaa muddo dhowr maalmood ah u xidhan sababo dhinaca ammaanka ah, ka dib markii mid ka mid ah waalidiinta carruurtoodu wax ka bartaan dugsigaasi weerar ku qaaday isla markaana dhaawacyo kala duwan u geystay maamulaha Dugsiygaas xilli lagu gudo-jiray saacadaha waxbarashada, sida ay wargeyska Himilo u xaqiijiyeen maamule ku-xigeenka dugsiga iyo guddoonka waxbarashada gobolka Selal.
saylacLama oga sababta ninkani u weeraray iyo wax ka dhexeeyay maamulka Dugsiga, masuuliyiinta waxbarashada ee gobolka iyo macalimiinta dugsigu way ku gaabsadeen arrimo shakhsi ah oo ka dhexeeyey ninka weerarka geystay oo Ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen, wakhtiganna ku xidhan saldhigga booliska ee degmada Saylac. Halka maamulihii dhaawacyada la gaadhsiiyey loo soo diray dhinaca magaalada Hargeysa oo xaalad caafimaad loo keenay.
Arrintan oo Arbacada todobaadkii hore dhacday, ayaa sababtay in albaabada loo laabo dugsiga isla markaana la hakiyo waxbarashada, ka dib cabsi dhinaca ammaanka ah oo soo food-saartay macalimiinta dugsiga ka hawl-gala oo sida sheegay go’aansaday inaanay dugsiga waxba ka dhigin tan inta laga xaqiijinayo sugidda ammaankooda.
Maamule ku-xigeenka Dugsiga H/Dhexe ee degmada Saylac Waxbarashada Cabdiqaadir Yaasiin Rabbiile oo goob-joog u ahaa weerarka dugsiga lagu qaaday iyo dhaawacyada la gaadhsiiyey Maamulaha, ayaa Himilo uga xog-warramay sida ay wax u dhaceen iyo sababta waxbarashadu ardayda loo hakiyey.
“Nin waalid ah oo carruurtiisu meesha dhigato ayaa na soo weeraray, wuxuuna bud la dhacay maamulihii Iskuulka oo dhaawacyo gaadhsiiyey, dhowr meeloodbuuna wax ka qabaa, laakiin markiiba ninkii waxa qabtay ciidanka, immikana wuu xidhan yahay, maamulihiina xaggaa iyo caasimaddaa loo qaaday,” ayuu yidhi Cabdiqaadir Yaasiin oo Weriye ka tirsan Himilo khadka telefonka ugu warramay isaga oo ku sugan magaalada Saylac.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey oo yidhi, “Laakiin Iskuulka Khamiistii iyo maanta (Shalay) oo Sabti ah ayuu xidhnaa, Berri Axadda (Maanta) waa la furayaa,” Sidaas ayuu yidhi Maamule ku-xigeenka Dugsigu.
Mar la weydiiyey Sababta kalliftay inay xidhaan dugsiga, waxa uu ku jawaabay, “Annaga oo macalimiinta ah ayaa go’aansannay inaan waxba lagu dhigin iskuulka, maamulka waxbarashada ee gobolka waanu ogeysiinay, waayo magacalimiintu waxay yidhaahdeen waxba kuma dhigi karno meel ammaankeedu sidaas yahay. Waxa kale oonu u tagnay booliska oo ballan-qaaday inay iyagu xil-qaadayaan amnigayaga, waalidiintana sidaasaasnu isla garanay,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka Waxbarashada Gobolka Selal, Cawaale Xasan Aadan oo weriye ka tirsan Wargeyska Himilo Khadka telefonka kula xidhiidhay isaga oo ku sugan magaalada Saylac, ayaa sheegay in waxbarashada dugsigu maanta oo Axad ah dib-u-bilaabmay ka dib markii shir ballaadhan shalay isugu yimaaddeen masuuliyiin hay’adaha dawladda ee Heer gobolka, Macalimiinta gadoodday iyo Waalidiinta Carruurtoodu dhigato dugsiga.
Guddoomiye ku-xigeenka Waxbarashada ee gobolka Gabiley oo ugu horeyn sharraxayey sida ay wax u dhaceen, waxa uu yidhi, “Xarunta waxbarashada ee gobolku, dugsiga kama dheera oo wuu ku ag-yaallaa. Maalin dhawayd oo saddex cisho laga joogo (Arbacadii) maamulihii dugsiga iyo mid waalidiinta ka mid ahba aisku dhacay, gacanbaa kala gaadhay, ninkiina wuu xidhan yahay oo jeel baanu u diraynaa. Dugsiguna wuxuu xidhan yahay ilaa Khamiistii, arrintaas waxa sababay macalimiintiibaa ku andacooday oo yidhi kol haddii dugsigii lagu laynayo dadkii oo maamulihiina la dilay, annaguna waanu baqaynaa, marka ammaankayaga la sugana waaanu furaynaa ayay yidhaahdeen.”
“Maanta (shalay) wasiirka waxbarashada waanu wada-hadallay, badhasaabka gobolka iyo booliska, macalimiinta iyo waalidkana waan u yeedhay, shir baanu qabannay arrinkiina waanu dhammaynay oo waxaanu isla qaadannay maalinta Berri (maanta) in la furo, wax dhibaato ah oo immika taaganna ma jiraan,” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka waxbarashada ee gobolka Selal.
Guddoomiyaha Gobolka Selal oo aanu isku-daynay inaanu dhacdadan wax ka weydiinno maadaama oo uu yahay masuulka ugu sarreeya ee Dawladda Dhexe uga wakiil ah masuuladda Hawlaha Gobolka, ayaa gebi ahaanba ak gaabsaday inuu ka hadlay dhacdadan iyo xaaladda gobolku iyo magaalada Saylac oo xilligan biyo-yaraan baahsani ka jirto.
Dhinaca kale, magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Selal waxa dhowrkii bilood ee u dambeeyey soo food-saaray biyo la’aan baahdsan oo shacabka magaaladaasi cabasho ka muujiyeen, ka dib markii cilad-farsamo soo gaadhay Mishiinka biyaha ka tuura Ceelka laga soo saaro biyaha magaaladu cabto, kaas oo masaafo dhowr KM ah dhinaca Woqooyi-Galbeed magaalada Saylac.
Isu-duwaha Wasaaradda Kheyraadka Biyaha ee gobolka Selal Cabdirashiid Xasan Geelle Himilo khadka telefonka ugu warramay isaga oo ku sugan degmada Baki ee gobolka Awdal oo sida uu sheegay uu hawl-shaqo u joogo, waxa uu sheegay in la hagaajiyey mishiinka ceelka biyaha looga dhaamiyo magaalada, in kasta oo uu carrabaabay biyo-yaraan jirta.
Isu-duwaha wasaaradda Biyaha ee gobolka Selal waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan iyaga oo taageero ka helayo hay’ad lagu magacaabo TIKAF ay ku hawlan yihiin ceel cusub oo biyihiisu ka macaan yihiin ceelka wakhtigan looga dhaamiyo magaalada, dhowaanna la hawl-galin doono.
“Immika magaalada laba meeloodbay biyaha ka dhaansadaan; booyadbaa biyaha ka dhaamisa Taangiga weyn ee biyaha Ceelka mishiinku ku soo tuuro oo magaalada yaala, dabadeedna magaalada ayay booyaddaasi ku wareegtaa, dadkuna way dhaansadan, foostadiina 13-kun oo Shilinbaa laga siiyaa, biyahaasina way qadhaadh yihiin. Waxa kale oo dadku biyaha ka dhaansadaan dooxa Bariisle oo booyado ayaa ka soo qaada, laakiin biyahaas ma cabbaane dharkay ku maydhaan,” sidaas ayuu yidhi Isu-duwaha Wasaaradda Kheyraadka Biyaha ee gobolka Selal.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Laakiin waxa jira Ceel cusub oo immika gacanta laga qaaday oo biyihiisu ka macaan yihiin ceelkaas hore. Hay’adda TIKAF ayaa dhisaysay ceelkan, wasaaradduna way kala shaqaynaysaa, dhowaanna in la hawl-galiyo ayaanu doonaynaa si ceelkaas hore looga guuro.”

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment