
Waxa uu Cabdilaahi sidaas ku sheegay qoraal uu go’aankiisa ku shaaciyey oo xalay la soo gaadhsiiyey Wargeyska Himilo, qoraalkaasi waxa uu u dhignaa sidan: “Anigoo ah Cabdillaahi Aadan Cumar [Wayab] waxaan iskay u go'aansaday inaan istiqaalad rasmi ah ka dhiibo shaqadii aan u hayey Horn Cable TV oo ahayd Tifaftiraha Guud, kadib markuu Mulkiilaha HCTV igu ixtiraami waayey hawshii iyo mas'uuliyaddii uu ii dhiibay, taasoo markaan weydiiyeyna uu iigu jawaaaybay aflagaado aanan gayin.
Waxa dhacday in anigoo jooga oo ku sugan goobta shaqada aan ku war helo warar aan isoo marin oo ka baxa TV-ga, markaan su'aalo Madaxa Wararkuna uu ii sheego inay tahay amarka Mulkiilaha. Arrintan markaan weydiiyey Mulkiilaha sababta uu anigoo ah Tifaftiraha iila socodsiin waayey, xataa si aan uga jawaabo haddii wax layga weydiiyo, waxa uu iigu jawaabay erayo aanan doonayn inaan halkan ku muujiyo balse ahaa kuwa aad u qallafsanaa oo aan sinaba ii qaban, isla markaana ku fiicnayn in loogu jawaabo qof shaqo idinka dhaxayso.
Haddaba, anigoo ogsoon inaan ahay qofka kowaad ee leh masuuliyada wax kasta oo ka baxa TV-ga, xumaan iyo samaanba, waxay ila noqon weyday inaan sidaa kusii dhex fadhiyo HCTV oo aan ku sugo in la ii xidho ama dhibaato kale iga soo gaadho waxaanan war iyo wacaal midna u ahayn, sidaaa awgeed ayaan maanta (shalay) oo ah 1-da Nov, 2014 go'aansaday inaan istiqaalad ka dhiibo xilkii iyo shaqadii aan u hayey Horn Cable,” sidaas ayuu Cabdilaahi ku sheegay qoraalkiisa.
Go’aanka Is-casilaadda Tifaftirihii Guud ee HCTV, ayaa ku soo beegmaya laba maalmood ka dib markii telefishanka laga baahiyey war lagu sheegay weji-gabax uu magaalada Gabiley kala Kulmiye oo taageerayaashiisa xaflad ugu qabtay magaalada Gabiley todobaadkii hore iyo bannaan-bax lagaga soo horjeedo oo sababay in koox dhalinyaro ahi Calanka Xisbiga dab-qabadsiiyaan, arrintaas oo sababtay in xukuumaddu xabsiga dhigtay Wariyihii HCTV ee gobolka Gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahim iyo Weriye kale oo gobolkaas uga hawl-gala telefishanka SOMSAT, kuwaas oo lagu eedeyey inay war been-abuur ah oo aan ahayn xaqiiqo jirta ka baahiyeen munaasibaddii Xisbiga Kulmiye.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment