Thursday, November 13, 2014

Wefti Culus oo ka socda Dawladda Federaalka Itoobiya oo Hargeysa yimi iyo Ujeeddada qodobbo ay Somaliland ka wada-hadlayaan

Hargeysa, 13 Nov, 2014 (Himilo)- Wefti culus oo ka socda dawladda Federaalka Ethiopia oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda dalkaas Axmed Sufyaan oo ay Wasiirro iyo Xubno kale ka mid yihiin, ayaa gelinkii dambe ee shalay soo gaadhay Caasimadda Hargeysa, waxaana soo dhaweeyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland.
weftiga2Weftigan oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, waxaana soo-dhawayntooda ka qayb-qaatay dhalinyarada Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida oo Lulayey Calanka Federaalka Itoobiya, kuna dhawaaqayey weedho soo dhawayn ah, ayaa soo dhawayntooda ka dib waxa qolka nasashada ee Madaarka kula hadlay Warbaahinta Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya ee Weftiga hoggaaminaya, kuwaasoo ka warramay ujeeddada socdaalka Weftiga Itoobiya Hargeysa u yimaaddeen iyo waxyaabaha ay Somaliland iyo Itoobiya ka wadahadlayaan wakhtigan.
Wasiirka arrimaha dibedda iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ugu horreysan Warbaahinta la hadlay, waxa uu yidhi; “Wefti ballaadhan oo ka socda dawladda Itoobiya, dawladdaas oo ah dawlad aynu jaar nahay, walaalo nahay, cilaaqaad ballaadhan leenahay, Weftigan oo ahmiyaddiisa ugu wayni tahay sidii cilaaqaad iyo waxqabasho xagga dhaqaalaha iyo horumarka ah aannu uga wadahadli lahayn, waxa hoggaaminaya Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Sufyaan, Wasiirro badan iyo Kooxo kalena way la socdaan.”
“Waxa ugu muhiimsan ee aannu ka wadahadlayno waxaa ka mid ah Dekedda Berbera, Laydhka, Jid Tareen aannu doonayno in la sameeyo iyo Waddada Berbera iyo Addis iyo waxyaabo badan oo ku lug leh horumarka iyo dhismaha waddankeenna.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya ahna hoggaamiyaha Weftigan Axmed Sufyaan, ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee uu booqasho ku yimaaddo dalka Somaliland, isla markaana uu ku faraxsan yahay sida Caasimadda Hargeysa ay dawladda Somaliland ugu soo dhawaysay Weftiga uu hoggaaminayo, soo-dhawayntaas diirran oo uu sheegay inuu ka mahad-celinayo.
“Waannu la soconnaa horumarka Somaliland ee dhinacyada nabadgelyada iyo horumarka. Sida Wasiir Biixi sheegay waxa ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya xidhiidh fiican, Jaarnimo, Dhaqan-wadaag iyo Walaalnimo Taariikhi ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda dawladda Federaalka ah ee Ethiopia Axmed Sufyaan.
Wasiir Sufyaan oo Sharraxaya ujeeddada socdaalka ay Somaliland ku yimaaddeen waxa uu yidhi; “Waxaannu halkan Somaliland u nimi sidii aannu kor ugu qaadi lahayn xidhiidhka dhaqaalaha ee dhinacyada Ganacsiga naga dhexeeya Somaliland, waxaannu ka wadahadlaynaa arrimo ku jiraan dhismaha Tamarta Korontada, Waddada Berbera iyo Itoobiya, qorshaynta jidka Tareenka iyo sidoo kale suuragalnimada Isticmaalkayaga Dekedda Berbera, sida uu Wasiirku-ba sheegay.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment