
Cali Caydaruus Maxamed iyo Maxamed Shariif Axmed oo la sheegay inay ku noolaan jireen magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu weheliyo nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed oo ka tagay magaalada Hargeysa, ayaa Khamiistii la horgeeyey Maxkamadda Federaalka Itoobiya ee magalada Addis Ababa, waxaana lagu helay inay maleegayeen falal argagixiso oo ay ka fuliyaan gudaha Itoobiya, waxaana maxkamaddu ku xukuntay inta u dhaxaysa Afar ilaa todoba sanno oo xadhig ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, ayaa ka hadashay dambiga loo xidhay labada muwaadin ee sita baasaboorradeeda, “Waxaanu xaqiijinaynaa inay jiraan muwaadiniin u dhalatay Britain oo Itoobiya lagu xidhay, xafiis ahaanna waanu ka caawinayna,” sidaa waxa yidhi afhayeen u hadlay wasaarada Arrimaha Dibadda Ingiriiska.
Sarkaalkan oo ka hadlayey ilaalinta daryeelka muwaadiniintooda ku xidhan Itoobiya, waxa uu yidhi, “Shaqada wasaaradda arrimaha Dibaddu waxay muhiimad gaar ah siinaysaa Ilaalinta Daryeelka muwaaniinta British-ka ahi ee dibadda ku nool.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment