
Wadaadka oo saxaafaddu wax ka weydiiyey sida uu u arko dhacdadaas isaga oo ku sugan magaalada Manila ee dalka Philipines, waxa uu sheegay in uu difaacayo xaqa iyo xoriyadda hadalka iyo cabiraadda aragtida qofka oo ah xuquuqda aasaasi ah oo uu aadamahu iska leeyahay, balse waxa uu hoosta ka xarriiqay in xoriyadda hadalku leedahay xuduud tilmaamaysa ilaa xad heerka ay fidsan tahay, isla markaana aanay haboonayn in aflagaaddo loo geysto Diimaha.
“Waxa jira dad badan oo si xun uga hadla oo ku dheeldheelaya diimaha dadka kale kuna ciyaaraya, waana nasiibdaro,” ayuu yidhi wadaadku waxaanu intaas ku daray isaga oo muujiyey dareenka uu kaga fal-celin karo qofka xuquuqdiisa lagu xad-gudbo, waxaanu yidhi isaga oo tusaale u soo qaadanaya, “Haddii kani (gacan-yarihiisa) uu caayo hooyaday markaasi waxa uu sugaaba waa inaan feedh ku bilaabo, ruux ma aflgaadayn karo diinta dadka kale, ruuxna kuma dheeldheeli karo diimaha,” ayuu yidhi wadaadkan oo warbaahinta reer Galbeedka siyaabo kala duwan u qaadaa-dhigtay hadalkiisa, iyaga oo su’aalo iska weydiiyey in hadalkiisu ka dhigan yahay in koooxaha weerarka ku qaaday xarunta Wargeyska ay ku saxsanaayeen fal-celinta ay ka sameeyey aflagaaddada loo geystay Nebi Muxumad.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment