
Intii ay safar ku jireen Weftiga Xisbiga UCID, waxa ay xafiisyo cusub oo xisbigu leeyahay ka fureen magaalooyin ka tirsan gobollada Togdheer iyo Saraar, iyaga oo soo-dhawayn kala kulmay shacabka ku dhaqan gobolladaas oo ay goobo fagaareyaal ah kala hadleen.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo warbaabinta kula hadlay magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar, waxa uu ujeeddada safarkooda ku tilmaamay mid ay ugu kuur-galayeen xaaladda bulshada ku dhaqan deegaamadaas isla markaana xambaarsan farriin nabad-gelyo oo sheegay inuu u jeediyey shacabka walaalaha ah ee ku dhaqan gobolka Buuhoodle.
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay socdaalkoodu inaanu la xidhiidhin arrimo siyaasadeed, waxaanu bulshada ku dhaqan gobolka Buuhoodle oo tiraba dhowr jeer dagaallo beelaysani ku dhexmareen deegaan-kala-riixasho u jeediyey inay arrintooda ku dhammaystaan habka dhaqan ee soo-jireenka ah, waxaanu soo jeediyey in arrimaha siyaasadda iyo dhaqanka ee colaadaha beelaha wada-dega gobolka Buuhoodle la kala saaro, isla markaana wixii arrimo dhaqan ay ka hawl-galaan madax-dhaqameedka, khilaafaadka siyaasiga ahna ay siyaasiyiintu xalliyaan.
Socdaalka Weftiga Xisbiga UCID ku maray deegaannada gobollada Bari ee dalka, ayaa noqonayaa kii ugu horreeyey noociisa ee masuuliyiinta xisbigaasi ku galaa-bixiyeyaan gobollada dalka wixii ka dambeeyey loolankii doorashadii Madaxtinimada dalka ee sannadkii 2010-kii ka dalka ka dhacday.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment