
Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Samaale oo warbaahinta kula hadlay Kastamka Kala-baydh gudaheeda ayaa kula dardaarmay guud ahaan shaqaalaha kastamada dalka, iyo gaar ahaan kuwa kastamada kala-baydh iyo Abaarso ee kormeerka uu ku soo maray inay hufnaan iyo soo dhoweyn ku qaabilaan macaamiisha ay shaqada u hayaan. Waxaanu yidhi, “Farxad weyn ayey noo tahay maalin Jimce ah oo fasax dadka iyo dalku yihiin, balse shaqada dakhli-uruurintu aanay fasax lahayn u nimaadno shaqaalaha kastamka Kala-baydh. Ujeedada socdaalku waxuu ahaa kormeerka sida hawlahu u socdaan bilowgii sannadka cusub. Siduu sheegay maamulaha kastamkuna, dhamaan kasmada iyo cashuuraha Berriga dakhliyadii laga doonayey sannadkii 2014, si fiican ayey uga soo baxeen.”
Wasiir Samaale ayaa dardaaran u soo jeediyey guud ahaan maamulka iyo shaqaalaha goobaha dakhli-uruurineed ee dalka, uguna baaqay inay soo dhoweyn ku qaabilaan macaamiisha cashuur-bixiyeeysha ay u shaqeeyaan, waxaanu yidhi, “Waxaan farayaa maamulayaasha iyo dhamaan shaqaalaha goobaha dakhli-uruurinta dalka inay si fiican u soo dhoweeyaan dadka u ah macaamiisha ee lacagaha cashuuraha ay ka qaadaan, gacantana u fudeydiyaan, maadama macaamiisha shaqada lo ohayo si wanaagsan u bixiyaan cashuuraha.”
Socdaalka kediska ah ee wasiirka Maaliyadda Md. Samaale iyo madaxda ku wehelinaysay ku tageen qaar ka mid ah kasmada dalka ayaa ku soo beegmaysa maalin Jimce ah oo hawlaha qaranka madax iyo shaqaale-ba ka nasanayaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment