Friday, January 2, 2015

Hambalyo guusha taariikhiga ah ee heshiiiska walaalaha Jabuuti ( muxaafid iyo mucaarid)-W/Q Xasan Suudi Xirsi

Anigoo ku hadlaaya inta danaysa horumarka, dhismaha dhaqaalaha, kasbashada kalsoonida adduunka, iyo maamul-wanaaga shacbiga iyo xukuumada uu hogaaminaayo caynaanshaha geeska Afrika, walaal inta ku hadasha af-soomaaliga, geeska Afrika iyo caalamka carabta, waxaan si wayn oo niyad samiya ugu hambalyaynayaa muxaafidka iyo mucaaridka dalkayaga labaad ee uu hogaaminaayo mudane Ismaaciil Geedi oo ah xoghayaha guud ee mucaaradka .
Horumarka laxaadka leh ee dhinac walba leh ee ay gaadheen shacbiga iyo xukuumada Djabuuti taasoo u noqotay kudayasho iyo goob tilmaanta ka qaataan geeska Afrika, gaar ahaan inta ku hadasha af-soomaaliga.
Hambalyo heshiiska labada geesood muxaafad iyo mucaarad ee isku danta ah, ee isku dalka ah, oo wada wadaaga wax kasta oo dalkooda dan u ah, heshiiskaas maanta ay gaadheen wuxuu dhamaystirayaa tiirarka asaasiga ah ee qarannimada Djabuuti, waxaana meesha uu ka saarayaa cidkasta oo rabtay in ay hakiyaan geedi-socodka taariikhiga ah .
Heshiiskaasi wuxuu guul u yahay shacbiga Djabuuti iyo shuubta geeska Afrika gaar ahaan Somaliland iyo Soomaaliya iyo xukuumada somalida itoobiya, oo si toos ah ugu xidhan markasta waxa ka socda Djabuuti una ah marjaca ay dib ugu soo noqdaan marka wax yimaadaan, iyaga oo si gaar ah xukuumada federaalka ah ee soomaaliya ay tahay goobtii laga soo badbaadiyay iyaga oo adduunku ugu tala galay in magaca soomaaliya meesha laga saaro.
Sababahaa awgeed ee aan soo sheegnay ayaan usoo jeedinaynaa shacbiga walaalaha aanu nahay ee Djabuuti mucaarad iyo muxaafadba:
1- In heshiiskaa dhaqangalkiisa ay labada dhinac qabtaan si uu u hirgalo oo meesha laga waayo khilaafaadka lana xidho albaab kasta oo laga soo galayo.
2- In wada jir si dagan loo dhigo dariiqa doorashada loo maraayo iyada oo laga ilaalinaayo caadifad, xoogana la saarayo in geediga horumarku sida hada uu ku socdo.
3- In fursad loo siiyo xukuumada uu hogaaminaayo mudane Ismaaciil Cumar geelle inuu wakhti u helo dhamaystirka mashaariicda mucjisada ah ee ka socda Djabuuti iyo arrimaha soomaaliya oo hiigsanaaya in ay galaan doorasho 2016 oo uu socdo wada hadalka soomaaliya iyo Somaliland oo aan ka maarmayn in uu dhex dhexaadiye ka noqdo Madaxwaynaha Djabuuti
4- Si gaar ah waxaanu hambalyo usoo jeedinaynaa odayga rug-cadaaga ah ee dalka jabuuti wax badan ku leh mudane Ismaaciil geedi xoghayaga guud ee mucaaradka inuu isgarabtaago dhamaystirka jabuuti oo ku midaysan mucaarad iyo muxaafad danahooga .
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment