Friday, January 2, 2015

“Kursigan aniga ayaa ku fadhiya oo uu xisbigu Ii Gartay, Mustaqbalkana waan u sharaxanahay, saxna maaha in aad isku kay dul qabsataan,”Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa:Jan,02,2015(Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay arrimo xaasaasi ah oo Bulshada dhexdeeda muddooyiyinka ugu dambeeyey ka Taagnaa, kuwaas uu u arkay inay mudan yihiin in jawaab laga Bixiyo.

siilyoMadaxweyne Siilaanyo oo maanta soo saaray Hadal Cajalado ku Duuban oo Madaxtooyada dhexdeeda lagaga soo duubay oo ugu talo alay inuu shacabkiisa kula wadaago Curashada Sanadka cusub dartii, ayuu kaga Hadlay Arrimaha Khilaafka ka taagan Musharraxnimada xisbiga Kulmiye ee Siilaanyo Dabadii, Suldaan Wabarka Rabshadda ka kiciyey Gobolka Awdal iyo Cabashada ay shacabka Gobollada Deegaanada Galbeedka dalku ka sheeganayaan Xukuumadda uu hoggaamiyo.

Madaxweynaha, ayaa ugu horrayn ka Hadlay kuna nuux-nuuxsaday arrinta khilaafka Kulmiye ka dhextaagan iyo hirdanka dibadda u soo baxay ee dhexyaalla Guddoomiye Muuse Biixi, Wasiir Samaale iyo Wasiir Biixi, waxana uu muujiyey sida uu madaxweyne Ahaan uga xun yahay tallaabada ay raggaasi ku hawllan yihiin.

Madaxweynaha, ayaa hadalkiisa ku sheegay inaanay Haboonayn in isagoo taladii waddanka haya oo aan muddadiisii dhamaysan, isla-markaana musharrax u ah Shanta sano ee soo socota in dushiisa uu ka dhaco hirdan iyo ficiltan dhexyaalla rag uu dhammaantood masuul ka wada yahay,

“Waxa muuqatay in is maandhaaf iyo hirdan Kaadirkii Xisbiga Kulmiye qaar ka mid ahi maalmahan saxaafada isu marinayeen kuwaas oo bandhigayay damacooda siyaasadeed oo ku wajahan kursigan aan ku fadhiyo. Waxa aan leeyahay Kursigan aniga ayaa ku fadhiya oo uu xisbigu Ii Gartay, Mustaqbalkana waan u sharaxanahay, saxna maaha in aad isku kay dul qabsataan, wixii iga dambeeya ilaahay ha ina gaadhsiiyo.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxana uu intaas ku daaray, “Xisbigu waa xisbi dimuqraadi ah oo waa lagu tartamayaa dhexdiisa waxaana ina sugaya xisbiyo kale oo inala tartamaya, walaalayaal yaynaan cidlo ku xiiqin oo yaynaan wax aan joogin isku colaadin, meel dad joogona laga waayi maayo qardoofo ee aynu ilaalino wada jirka iyo midnimada xisbiga” ayuu yidhi.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidoo kale ka Hadlay arrinta Suldaan Wabarka Galbeedka Dalka Rabshadaha ka kiciyey, waxana uu sheegay in suldaanka Arrinkiisu ku qurux badnaa inuu Duurka kasoo baxo oo uu sheegto waxa uu tabanayo,

“Baryahan Waxa soo baxayay Suldaan Ku Baaqayay Qalalaase Colaadeed iyo in qoriga la qaato oo qaranka la Dumiyo. Waxa aan leeyahay Somaliland waa qaran tashaday, qof keli ahina ma dumin karo, qaar hore oo isku dayayna way ku fashilmeen, shacabka Somaliland waa ka tashadeen qof wadda qaloocan iyo qorshe guracan ku baaqaya. Waa la yaab Suldaan Qori qaatay, suldaan samo talis baa lagu ogaa, suldaan nabad baa lagu ogaa, dalka Somaliland waa dal nabadoon, dadkooduna waxa ay ku heshiiiyeen in ay codkooda isbedelka ku sameeyaan, qori lagama ogola, cid aan ahayn ciidamada amaanka. cid kasta oo ka talawda xuduuda qaranimada, waxa ay ku amran yihiin (Ciidamada Qaranku) in ay gacan buuxda ku qabtaan. Waa wax kala gaar ah tabashada iyo qaran dumisnimadu, kii tabanaya sida odayaashii dhaqanka ee halkan iigu yimid, waan soo dhaweynaynaa, waa u garaabaynaa, wixii ay leedahayna waanu marinaynaa, balse qofka sida suldaan Wabar qaran dumiska ah ee qoriga qaata waxa aanu ka qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Gabogabadiina waxa uu shacabka ku bogaadiyay curashada sanadka cusub ee miilaadiga, waxaanu ilaahay uga rajeeyay in ay ka dambe ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment