Thursday, January 1, 2015

Xukuumadda Oo Si Buuxda Ula Wareegtay Xaruntii Dallada Sonyo, Hantidii iyo Dhaqaalihii Dallada Oo La Xannibay Iyo Sababaha Keenay

Hargeisa:Jan,01,2015(Himilo)-Wararka naga soo gaadhaya Xarunta Dallada Dhallinyarada Sonyo, ayaa sheegaya in xukuumaddu si buuxda ula wareegtay xarunta iyo Hantidii kale ee Dalladu lahayd kadib markii dhawaan ay dalladu ku kala jabtay Shirweynihii Toddobaad ee ay Hargeysa ku qabsatay, taas oo ay kasoo baxeen Laba hoggaan oo iska soo horjeedaa.

saroorWararka aanu Hayno, ayaa sheegaya in Wasiirka Ciyaaruhu xal u arkay in ciidamo Boolis ah la geeyo Xarunta inta lagu kala baxayo Hoggaanka ururka, isla-markaana Amar xukuumadeed lagu xayiro dhammaanba Hantidii ururka, sida Gaadiidkii iyo Waliba Accoun-kii xisaabta ee Ururka.

Wasiir Cali Siciid Raygal oo sida aanu xogaha ku Hayno in badan isku dayey inuu arrinta xalliyo ayey ku adkaatay, waxana uu door biday inuu shaqada iyo Magaca dallada ka xannibo labada garab ee is haya inta xal la gaadhayo.

Maanta Duhurkii ayaa Xarunta SONYO lagu arkay Tiro boolis ah oo an Badnayn, kuwaas oo loo arko inay kusocdaan Amar xukuumaddu bixisay oo ah inaan xarunta cidina ku shaqayn Karin ka hor inta aan Dalladu xal loo wada Dhan yahay Gaadhin.

Dadka arrimaha Ururka u dhuun daloola ayaa sheegaya in xukuumaddu taageersan tahay midkamid ah labada Garab ee is haya, balse ay haddan ku dhiirran weyday inay si dhib yar shaqada iyo Awoodda dallada ugu fasaxdo garabkaas, maadaama ay diyaar yihiin Garabkii kale oo hoggaankooda meel gaar ah kusoo doortay, isla-markaana sheeganaya inay aqlbiyad haystaan.

Waa markii ugu horraysay ee Dallada Ururrada Dhallinyarada ee SONYO ay sidan oo kale u kala jabto, waxana arrintan loo arkaa inay Dalladu faraha la gashay oo aanay ka Madax Bannaanayn arrimo siyaasadeed , kuwaas oo keenay in madaxtooyada kala dano noqdaan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment