
Afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka Admiral John Kirby ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay Abdishakur Tahliil oo ahaa madaxii Sirdoonka Xarakada Al-shabab.
Warbixinta Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in Mr “Tahliil” uu masuul ka ahaa weeraro qarsoon oo ay kooxdu kageysato gudaha wadanka Somalia iyo gobolka intiisa kale,dhimashada Abdishakuurna ay soo afjareeso weeraradaasi.
“Dhimashadiisa Mr.Abdishakur waxay si balaadhan u saameyn doontaa awoodii Al-shabab ee ahayd qaadi taanka weeraro lala eegto dowlada Soomaaliya iyo danaha Mareykanka ee gobolka ” ayaa lagu yidhi warbixinta kasoo baxday Pentagon-ka Mareykanka.
Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa si isku mid ah uxaqiijiyay dilka Abdishakur Tahliil balse majirto wax kasoo baxay Al-shabab oo uu katirsanaa.
Xarkada Al-shabab oo xidhiidh la leh urur weynaha A-Qaeda ayaa weeraro kageysta gudaha Soomaaliya iyo wadanka Kenya waxaana weerarkii ugu dambeeyay oo ay geystaan kuqaadeen xarunta ugu weyn ee ciidamada midowga Africa ee Xalane halkaa oo ay dagaalyahano katirsan Al-shabab mudo dhowr badan ka dagaalamayeen kuna dileen ciidamo katirsan midowga Afrika ee AMISOM.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment