Saturday, January 3, 2015

Taariikhda iyo Qaybaheeda -W/Q: Cali Cabdi Coomay

Taariikhdu waa barashada iyo fahmida qaab-nololeedkii ay soo mareen dadyowgii hore ee adduuka ku noolaan jiray, waxaana la adeegsanayaa wixii macluumaad iyo raadad ay ka tageen(Historical Events). Tusaale ahaan sawiro, agabkii ay adeegsan jireen, qoraallo, sheekooyin, gabayo iyo murti. Waxa si gaar ah baadhis loogu samaynayaa dhaqamadoodii ay si ficil ah u samayn jireen. Si kooban haddii loo dhigo macnaha taariikhda waa:
Dhacdada + Sababaha + Natiijada = Taariikhda.
Taariikhyahanadu waxay isku raacsan yihiin inay dhacdo kastaa leedahay sababo dhawr ah oo bisleeyey inay timaado(early causes) dhacdadaasi.
Qaybaha Taariikhda
Guud ahaan taariikhdu waa laba qaybood oo waaweyn, balse yeelan kara faraacyo badan, waana Taariikhda qoran (Written History) iyo Taariikhda aan qornayn (Oral History).
Taariikhda yegleelida adduunyada( pre-History)
Noocan taariikhda ahi waxay si qoto dheer ugu sheekaysaa abuuritaanka dunida iyo wixii suutogeliyey, inu aadamuhu ku noolaado adduunka. Taariikhdan waxa toos looga qaadanayaa Qur’aanka Kariimka ah iyo wixii axaadiis ah ee Rasuulka (SCW) ka soo arooray. Taariikhdan waxa ugu horeeya arrimaha suutogaliyay nolosha aadamaha, sida cirka, dhulka, badaha, cadeeda, laydha la qaato iyo dhammaan meerayaasha. Xaqiiqada taariikhdan waxa laga qaadanayaa kutubii samaawiga ahayd ee ilaahay ummadaha u soo dejiyay, sida Furqaan, Tawraad, Injiin iyo Sabuur.
Suuradda fusilad aayadeheeda 9 ilaa 12 ee bilowga suuradda, waxaad ku ogaanaysaa inuu ilaahay dhulka iyo 7-da samo ku abuuray 6 cisho, waxaan loo dhammeeyay wax kasta oo nolosha u baahnayd. Sida cunto, buuro, biyo iyo dhir. Mid kastaana waxa lagu amray inuu qabto adeegii loogu talogalay, ilaa amar dambe u imanayaao, sidii ayay ilaa maanta arrintaasi ayey ugu shaqaynayaan.
Taariikhda abuuriddii dadka (History of Mankind)
Taariikhdani waxay ka bilaabmaysaa markii reer Nebi aadan (scw) ay u soo bixeen ifka. Markii adan iyo xaawo ilaahay abuuray ee ay adduunka u soo baxeen. Intooda badan dhammaan dadyowga ku nool adduunku waxay isku raacsan yihiin eebe abuuray, gaar ahaan waxa toos u aaminsan kuwa adeecsan diimaha saamaawiga ah(Kiristaanka, muslimiinta iyo Yuhuuda). Waxay isku raacsan yihiin inuu ilaahay karaameeyay aadamaha. Dadyowgan aaminsan diimaha samaawiga waxay diidan yihiin fikiradaha khuraafaadka ee reer yurub qarniyaddii dhexe isku maaweelin jireen, sida in aadamaha iyo noloshu si madax bannaan adduunku u yimaadeen(Darwin theory of Evolution). Intooda badani waxay aaminsan yihiin taariikhda ummadaha adduunka ka bilaabayso markii Nebi Aadan iyo Xaawo adduunka loo soo saaray. Heerarkii nololeed ee dadyowgii hore soo marayna waxa ka waramaya kutubta samada laga soo dejiyay iyo axaadiista Rasuulka(scw).
Taariikhda ummadihii hore (Written History)
Taariikhdani waxay ka waramaysan taariikhdii hore ee adduunka ka dhacay nuqarni ilaa 100 sanno ka hor amma ilaa 1000 sanno dhalashadii Nebi Ciise (cs), amma 500 A.D, waana taariikhda miilaadiga. Taariikhdihii dhexe waxa ka bilaabmaan 500 ilaa 1500 A.D, halka taariikda casriga ahina ay tahay wixii ka dambeeyay 1500 ilaa 2015 oo imika ayunu joogno. Waxa kale oo wakhtigan aad loo adeegsadaa cilmiga lagu baadho raadadkii dadyowgii hore ee aduunka guudkeeda ku noolaan jiray iyo wixii ay agab adeegsan jireen, ee loo yaqaan (Arkoolaji), waxa laga raadiyaa lafaha iyo wixii ay isticmaali jireen , markaasaa laga soo saaree taariikhda ay dhulkaasi ku noolaan jiree. Laakiin khilaaf badan iyo taariikho isku murugsan ayaa lagu arkaa cilmigaa arkoolojiga. Marka laga eego dhinaca isku halaynta iyo xaqiiqda.
Taariikhda aan qornayn( Oral History)
Waa taariikh ay dhinaca afka iskugu gudbiyaan bulshooyin kala dambeeyay, balse aan qoraal lagu samayn. Noocani wuxuu ku badan yahay bulshooyinka aan lahayn af-qoran, balse ku hadla afkooda oo keliya. Taariikhdani waa tan ugu liidata dhamaan taariikdaha jira, waayo waxa ka dhexbuuxa been iyo buunbuunin aan la soo koobi Karin. cid kasta oo taariikh noocan ah ka sheekaynaysaa waxana way ku daraan, waxana way ka saaraan, iyagoo eegaya dantooda iyo waxay jecel yihiin.
Taariikhaha mustaqbalka dhow dhacaya iyo ta fog
Taariikhda wakhtigan dhacaysa, waxa loo qaybin karaa laba qaybood, oo kala ah:
• Taariikh mustaqbal dhow dhacaysa
• Taariikh mustaqbal fog dhici doonta
Taaariikhda mustaqbalka dhow dhacaysaa waxay noqonaysaa taariikh ku suntan 15 sanno, 50 sanno ilaa 70 sanno gudahood inay dhacdo. Ha noqoto barmaamijada dawladu fulinayso, dhaqano isbedel wata oo bulsho gaar ah ku soo fuul leh IWM. Waxa maqani ilaahay ayaa o goo waa waajib inaad wixii maqan ilaahay loo dabofadhiisto, laakiin tani waa saadaal lagu falanqaynayo inay wax noocaasi shi dhici karaan, iyadoo laga tusaale qaadanayo taariikhihii hore iyo sday wax u dhacaan. Dadyowgii hore markay doonayaan inay ogaadaan dhacdooyinka mustaqbalka waxay weydiin jireen faaliyeyaasha iyo xidigyahanada, oo dhammaantood been cad u sheegi jiray oo ay aamini jireen.
Xigmada ay isticmaalaan qorayaashu ee ah ( History repeats it self) oo ay soo taabteen in bulshyoon badani isku si u dabargo’een waa xaqiiqo dhacda oo markhaati ma doon ah. Xigmadaasi ah taariikdu iskeed ayay isu-soo celisaa waxay isku dhow yihiin aayada Qur’aanka ah ee micnaheedu yahay (sunnaha ilaahay isma bedelo, oo haddii bulsho wakhtigaasi nooli la timaado dhaqan xun, amma dhaqan fiican oo bulshooyinkii hore sameeyeen, oo lagu ciqaabay in balaayo iyo nooc ciqaabeed u gaar ah lagaga jari doono). Kuwii dhaqan fiican la yimaadana lagu abaalmarin doono wixii fiicnaa ee ay la yimaadeen. Markaad baratid ee aad daraasayo dhaqamadii iyo hab-nololeedkii bulshooyinkii hore waxaad kala soo dhex bixi karaysaa waxa uu noqon doonaa taariikhda tan xigtaa waxay noqonayso.
Si kooban waxa weeyi:
Barashada waxayaabihii dunida shalay ka dhacay+barashada waxa maalinta aad nooshahay dhacaya= saadaasha taariikhda mustaqbalka dhow dhacaysa.
Taariikhdu waxay soo xidhmaysaa maalinta qiyaamuhu dhaco, waxaanu ilaahay (swc) bilaabi doonaa xisaabta adoomaha ee intay adduunka joogeen.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
Meerisyada Taariikhda (Vol.1)……………. Cali Qoryoolay
World History………………………………Dr. Anthony Tim
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment