Saturday, January 3, 2015

Qaramada Midoobay Oo Farriin Culus Dusha Ka Saartay Ra’isal Wasaaraha Somalia Ee Dhawaan La Magacaabay

New York:Jan,03,2015(Himilo)-Jimciyadda Qurumaha ka dhaxaysa, ayaa farriin u dirtay Ra’isal wasaaraha cusub ee Somalia oo la filayo inuu dhawaan ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirrada.

bankimoonFarriintan, ayaa waxa ay kasoo baxday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, waxana ay farriintu xambaarsan tahay in Haweenka Door muuqda laga siiyo Xukuumadda lasoo dhisi doono dhawaan.

Afhayeen u hadlay Ban Ki-moon ayaa sheegay in loogu baaqayo madaxda ugu sareyso dalka Somalia inay si wadajir ah isula shaqeeyaan, ayna la yimaadaan hab macquul ah oo siyaasadeed, si hor-yaala dowladda loo qabto

Sidoo kale Ban Ki-moon ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dalka inay ka shaqeeyaan sidii gobolada dalka looga hergelin lahaa nidaamka federaalka iyo sidoo dib u eegis loogu sameyn lahaa dastuurka Somalia.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in guulihii ugu dambeeyay ee dhanka amaanka laga gaadhay ay horseedayaan dib usoo celinta sharciga iyo kala dambeynta Dalkaasi oo muddo lunsanayd.

Sidoo kale Ban Ki-moon ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub ay ku taageeri doonaan dhanka horumarinta nabad galyada, horumarka iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.

Ra’iisul Wasaare cumar C/rashiid ayaa dhowaan la filayaa inuu soo dhiso Gole Wasiiro ah, waxaana soo baxaya baaqyo loo jeedinayo Ra’iisul Wasaaraha oo ah in haweenka ay xubno muhiim ah ku yeeshaan Golaha Xukuumada.

 

Himilo Media

 

 

No comments:

Post a Comment