Saturday, May 16, 2015

Saraakiil Sheegay inay Afgembi kula wareegeen Xukunka dalka Burundi oo la xidh-xidhay iyo Inqilaabkaas oo Fashilmay

Bujunbura, 16 May, 2015-(Himilo)- Hoggaamiye Ku-xigeenka Ciidammadii Afgambiga ka sameysay dalka Burundi, ayaa sheegay inuu fashilmay af-gambgii ay doonayeen inay xilka kaga tuuraan Madaxweynaha Pierra Nkurunziza oo dibedda safar ugu maqnaa maalintii Arbacaada ahayd.
“Shaqsi ahaan, waxaan rumeysanahay in afgambigii aan sameynay uu fashilmay. Ciidamadii aan qorsheynaynay inay qayb ka qaataan afgambiga ayaa taageeray xisbiga talada haya.” Sidaa ayuu yidhi Jen. Cyrille Ndayirukiye oo hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP.
Hadalka sarkaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli la sheegay xalay in madaxweynihii Burundi uu dib ugu laabtay dalkiisa, iyadoo shalay oo dhan ay magaalada Bujumbura ka socdeen dagaallo u dhexeeya xoogagga Afgambiga sameeyay iyo ciidammo taageersan Nkurunziza.
madaxweynaha burundi“Madaweynaha Burundi Pierre Nkurunziza hadda wuxuu ku sugan yahay Burundi. Waxaan odhan karaa xaaladda hadda way ka hagaagsan tahay sidii hore, maxaa yeelay inta badan caasimadda inaga ayaa gacanta ku hayna.” ayuu yidhi La-taliyihiisa Madaxweynaha afgembiga lagula kacay fashilmay ee dhinaca Isgaadhsiinta Willy Nyamitwe.
Laba La-taliye Boolis iyo Janeraal isku dayay maalintii Arbacada ahayd, in ay xilka ka tuuraan Madaxweynaha Burundi Piere Nkurunzinza, ayaa lagu xidhay Caasimadda dalkaas ee Bujumbura. Afhayeenka Madaxweynuhu waloow uu sheegayo in hoggaamiyihii isku dayay afgambiga General Godefroid Niyombare uu weli baxsad yahay.
Dadka kale ee la xidhxidhay waxaa ka mid ah Ku-xigeenka Hoggaamiyaha Afgambiga samaynayey Cyrille Ndayirukiye iyo hoggaamiyayaal sare oo ku jira Millateriga. Ciidamo kale oo ku lug lahaa isku-dayga afgambi ayaa is-dhiibay.
Waloow Afhayeenka Booliska uu sheegayo in Generaal Godefroid Niyombare, oo horkacayay kacdoonkan uu weli baxsad yahay. Mar sii horaysay Generaal Niyombar, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu isdhiibo, kaddib markii uu fahmay in inta badan ciidamadda ay taageersan yihiin dowladda hadda jirta.
Madaxweyne Nkurunzinza, ayaa qudbad u jeedinaya Shacabkiisa, ka dib markii uu dib uga soo laabtay dalka dariska la ah ee Tanzania, oo uu kaga qeybgalayay kullan gobalka ah, markii lagu dhawaaqay isku dayga afgambi. Xabbado goos goos ah ayaa laga maqlayay saaka caasimadda, balse hadda xaalku waa daganyahay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment