Sunday, May 17, 2015

Ujeeddada Socdaalka Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ee Boorama iyo Qaabkii loogu soo dhaweeyey

Boorama, 17 May, 2015-(Himilo)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, halkaas oo uu shalay gaadhay, isla markaana ku sugnaan doono maalmaha soo socda oo uu dadweynaha reer Boorama kagala qaybgeli doono Dabbaal-degga 24-guurada ka soo wareegtay gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May oo la qabanayo Isniinta Berri.

Madaxda heer gobol, degmo, Madaxda Dhaqanka, Masuuliyiinta laamaha dawladda ee kala duwan iyo dadweyne tiro badan, ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku soo dhaweeyey Boorama, kuwaasoo kaga horyimi Madaxweyne Ku-xigeenka degmada Dila iyo  Tuulada Gorayo-cawl, iyagoo u gelbiyey gudaha magaalada Boorama. Waxaana lagu qaabbilay Calanka Somaliland, Caleemo qoyan iyo Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka oo uu Madaxweyne Ku-xigeenkuna Jaanta iyo Jiibta la helay dadkii tumayey ee Ciyaaraha ku soo dhaweynayey oo uu la ciyaaray.

Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa socdaalkiisa Boorama ku wehelinaya Xubno Golaha Wasiirrada Xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno Golayaasha Baarlamaanka ka tirsan oo reer Awdal ah iyo Masuuliyiin kale, kuwaasoo halkaasi ku sugnaan doona illaa 18-ka May.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici oo Saxaafadda hadal kooban siiyay, ayaa sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho wanaajinta ammaanka gobolka iyo ka qaybgalka Xuska Maalinta Qaran ee 18-ka May. Waxa uu sheegay in shacbiga Awdal ay kala qaybqaadan doonaan Xuska iyo dabbaal-degga 18 May.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax), ayaa hadal soo dhaweyn ah ku qaabbilay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Masuuliyiinta la socday, waxaanu yidhi; “Madaxweyne Ku-xigeen, waxaa halkan kugu soo dhawaynaya Dadweynaha heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Awdal oo ah qaybaha Bulshada ee kala duwan, sida dhalinyarada, Haweenka iyo Salaaddiinta. Madaxweyne Ku-xigeen ku soo dhawoow Boorama si aad noogala qayb gashid maalinta gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May, aadna waannu kuugu mahad-naqaynaa adiga iyo Weftigaaga.”

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici, ayaa isaguna halkaas kala hadlay dadweynaha iyo Masuuliyinta ku soo dhaweeyey Boorama oo uu uga mahad-celiyey sida sharafta leh ee ay u qaabbileen iyo dareenka ay u muujiyeen. “Marka hore Illaahay baa mahad leh, marka labaad waxaan bogaadinayaa oo u mahad-celinayaa Maamulka heer gobol iyo dadweynaha Awdal ee sida sharafta leh noo soo dhaweeyay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.

Waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland sheegay inuu rejaynayo inay khayr ku dhammaadaan hawlaha socdaalkiisa Boorama la xidhiidho oo qodobbo kala duwan ah sida uu hadalka u dhigay, waxaanu yidhi; “Waxaan rejaynaa in hawlaha aannu u soconnaa khayr ku dhammaadaan, Insha Allaah waxaynu iska xog-warraysan doonnaa arrimaha gobolka, degmada, dhinaca nabadgelyada iyo sidii aynu u xoojin lahayn iyo dabbaal-degga 18-ka May ee ah 24-guurada ka soo wareegtay markii Somaliland xornimadeeda la soo noqotay.”

 

Xuska Dheelmintii Nebigeenna Suubban ee Muxamed (C.S.W) oo si weyn looga oogay Caasimadda Hargeysa

“Waxaynu tilmaamaynaa wakhtiga uu dhacay habeenkani iyo sababta uu ku yimid in Nebiga (C.S.W.) la dheel-miyaa, habeenka ILLAAHAY  Nebiga casuumay waxay ahayd…” Sheekh Ismaaciil Xasan Faarax

Hargeysa, 17 May, 2015-(Himilo)- Munaasibad lagu weynaynayo habeenkii la dheelmiyey Nebigeenna Suubban ee Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee ee LAYLATUL ALL-ISRAA-WALLMICIRAAJ, ayaa shalay lagu qabtey Hudheel Maansoor ee  magaalada Hargeysa.

Munaasibadaha oo lagu xusay qiimaha uu Muslimiinta u leeyahay LAYLATUL ALL-ISRAA-WALLMICIRAAJ, ayaa labadii cisho iyo labadii habeen ee u dambeeyey lagu qabanayey magaalooyinka kala duwan ee dalka Somaliland, iyagoo dadweynaha iyo Culimadu isugu imanayeen goobo loo gaar-yeelay Xuska dheelminta Nebi Muxumed (C.S.W) iyo sidoo kale Masaajiddada, iyadoo la akhriyey Axaadiis, Qasiidooyin iyo Qur’aanka Eebbe ku ammaanay Nebigiisa Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee.

Qaban-qaabinta Munaasibadahan, ayaa waxaa Qayb weyn ku lahayd Hirgalinteeda Jimciyadda Waxbarashada Diinta iyo qaban-qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga ah iyo Horumarinta Bulshada ee JIMCIYATUL AXBAAB. Munaasibaddan ayaa waxaa ka qayb-galey Masuuliyiin kala duwan, Culimo Aw-Diin, Madax-dhaqmeed iyo Dadweyne kale oo tiro badan.

Munaasibaddan ayaa waxaa ugu horreyn Khudbad ka jeediyey Sheekh Ismaaciil Xasan Faarax oo ku dheeraaday qiimaha Habeenkii la dheelmiyey Nabigeenna Suubban ee Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariis ALLAAH korkiisa ha yeelee (C.S.W.) iyo Mucjisooyinkii  iyo Aayaadkii Nebigu soo arkay  Habeenkaas.

“Waxaynu tilmaamaynaa wakhtiga uu dhacay habeenkani iyo sababta uu ku yimid in Nebiga (C.S.W.) la dheel-miyaa, habeenka ILLAAHAY  Nebiga casuumay waxay ahayd 27-ka bisha Rejab, waxaanay ahayd habeen Isniin ah, waxay sababtu ahayd oo uu Allaah u casuumay Nebiga (C.S.W), ummaddii Islaamka ahayd ee Maka ku sugnayd ee Nebigu (C.W.S), Madaxda u ahaa cidhiidhi bay ku jirtay wakhtigaa, waxaana sannadkaa Nebiga (NNKHT) la dheel-miyey loo bixiyay sannadkii murugada.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Xasan Faarax

Waxaanu Sheekh Ismaaciil oo sharraxaaddaas sii wadaa intaas ku daray oo uu yidhi; “Murugadaasna waxa keenay saddex arrimood, Xaaskiisii Khadiija oo wixii uu Nebigu dhibaato dibedda kala soo kulmo ka caawin jirtay oo dhiirrigelin jirtay, ayaa dhimatay, Adeerkii Abu-daalib-na wuu dhintay, saddex ayaamood ayay kala dambeeyeen. Markaas, ayay Nebiga (CSW) ku sii badatay dhibkii Gaaladu, maaddaama oo ay labadii qof ee difaaci jiray dhinteen.”

“Dabadeedna Nebigu (C.S.W) wuxuu tegay Daa’if oo ay yaalleen Niman Carbeed oo xoog lahaa, halkaas oo uu Diinta gaadhsii islahaana, waa laga soo dhagxiyey (dhagax-tuuray) oo wax-yeellaa Nebiga loo geystay. Dabadeedna Maka ayuu ku soo noqday. Markaas, ayaa Nebiga (C.S.W.) casuumadda loo fidiyey si murugadaa looga dhaqdhaqo, Nebiguna (CSW) 50 jir buu ahaa markaas la dheel-miyey.” ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Xasan Faarax.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna sheegay in dad Neceb Diinta suubban ee Islaamka iyo Sunnada Negibeenna Muxamed (C.S.W) ay u soo tafaxayteen sidii ay dadka u kala lumin lahaayeen waxaana uu culimada u soo jeediyay in Ay isku mideyeen Sidii Ay u difaaci lahayeen Diinta ilaahay ee u baahan sida uu cadeeyay in laga ilaaliyo cadaw-yada badan ee hadheeyay sidii Ay fidmo uga dhex abuuri lahayeen culimada iyagu u taagan sidii Ay u xanbaari lahayeen Diinta Ilaahay.

“Qofka walaalayaal denbi bidco ah ku sheegay Nebigeennii Muxumed (NNKH) oo la xusayo loona baahan yahay In markasta la wayneeyo denbi ku sheegay isaga ayaa og halka uu ku socdo, aan idiin warramee Muslimkii meel uu galo ayuu waayay, haddaanay dadkuna lahayn dawladda lagaga baqo cid waliba way u soo qoslaysaa, Walaallayaal markii Muslimka Adduunkii lagaga adkaaday ayaa loogu tegay Aakhiro oo kolba wax laga sheegayaa, waxaana la leeyahay soddonka sano ee soo socda Adduunku waxa uu noqonayaa Islaam, toddobadii qof ee meel wada yimaadda lix qof ayaa Muslim noqonaysa, haddana Gaaladii leedahay dadkii (qisaasta) ha dilina waxa isqabanaya maaha.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo sii watay hadalkiisa intaas ku sii ladhay isagoo dawladda la hadlayey oo uu yidhi; “Walaallayaal haddii aynu fulin wayno waxa uu ilaahay ina faray waxa ka xun ayaa iman Doona, wakhtigaas Sheekhu sheegay ayaa lagu wada socdaa oo qof waliba adduun ayuu jeclaaday, waxaanay ku tartamayaan Daaraha waxaanay illaaween in la dhimanayo, dawladda waxaan fari lahaa in ay xoojiso Diinta haddaanay xoojinna dhibteeda yeelan karto.”

Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo Munaasibaddaa Xuska dheelminta Nebi Muxamed (C.S.W) ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay maalintani u leedahay Masulimiinta ku dhaqan daafaha caalamka, waxaanu yidhi; “Dhammaanteen waxan halkan u fadhinaa iyadoo ay innaga run tahay in aan waynayno Rasulkenbii Subanaa (N.N.K.H) haddaba waxa weeye in aan marwalba ku celelinno hadal haynta Rasuulkennii Subbanaa(SCW), Rasuulkeennii waxaa u yimid Cali oo waxa uu ku yidhi; ‘Rasuul Alloow Xaaskayga, Carruurtayda iyo Waalidiintaydaba marka laga reebo naftayda waan kaa jeclahay’ markaasu Rasuulku (C.S.W) ku yidhi; ‘weli iimaankaagu taam maaha’ markii dambe ayuu ku yidhi; ‘Naftaydana waan kaa jeclahay’ Rasuulku (C.S.W) markaasu yidhi; ‘immikaa iimaankaagu taam yahay’ markaa waa inay maxabbada Rasuulku (S.C.W) halkaa innaga gaadhaa innagana.”

Culimo badan oo Munaasibadda ka hadashay, ayaa iyaguna ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay Maalintani iyo siday ugu qaaliga tahay Muslimiinta daafaha Dunida joogta, waxaana ay soo jeediyeen in markasta iyada oo lawaynaynayo Rasuulka lana jecel yahay la xuso Munaasibadaha dheelminta iyo dhalashada Nebi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee.

Gaba-gabadii waxa Munaasibadan lagu soo bandhigay Gabayo iyo Qasiidooyin Ka turjumaya Maalinta qiimaha u leh Muslimiinta ee dheelminta Nebi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariis Allaah Korkiisa ha yeelee iyo weliba Qasaa’id Nebi-ammaan ah oo muujinaya sharafta, karaamada iyo qiimaha weyn ee ALLAAH (S.X.W) uu ku mannaystay, isla markaana u gaar-yeelay Nebi Muxamed (C.S.W) iyo sida ay ummadda Muslimiintu u jecel yihiin Nebi Muxamed iyo weliba sida loogu baahan yahay in la weyneeyo Jacaylka Nebi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee.

Himilomedia

Hargeysa- Somaliland

No comments:

Post a Comment