Saturday, May 16, 2015

Kooxda Daacish oo dawladda Ciraaq ka qabsaday Xarumo Muhiim ah

Baqdaad, 16 May, 2015 (Himilo)- Kooxda la baxday dawladda Islaamiga ah ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya (ISIS), ayaa hawlgal ay sameeyeen ku qabsaday xarumo dawladeed oo ku yaal magaalada Ramadi ee xarunta gobolka Anbar oo ku yaal galbeedka waddanka Ciraaq Jimcihii shalay.
Afhayeenka Badhasaabka gobolka Anbar ee dalka Ciraaq oo la yidhaahdo Hikmat Suleiman, ayaa u sheegay Saxaafadda in dagaalyahannada kooxda Daacish ama ISIS ay u suurtogashay inay xoog ku jiidhaan Ciidanka dawladda Ciraaq ee jooga magaalada Ramadi, isla markaana ay qabsadeen xarumo dawladdu leedahay oo si aad ah loo ilaaliyo, isagoo afhayeenku tilmaamay in wadashaqayn la’aan ka dhexaysa Xukuumadda dhexe ee magaalada Baqdaad fadhida iyo Maamulka gobolkooda ay sababtay in kooxda Daacis qabsadaan xarumaha dawladda.
“Muddo bilo ah ayaan dawladda dhexe uga cabanaynay inay jirto khatar ka imanaysa kooxda ISIS, iyadoo aannu arrintaasna u gudbinay Wasiirrada dhinaca ammaanka qaabbilsan, balse wax wada shaqayn ah oo ay nala sameeyeen ma jirto.” ayuu yidhi Afhayeenka Guddoomiyaha gobolka Anbar ee dalka Ciraaq, isagoo sidoo kale ku dooday in aanay wax jawaab ah ka helin Ciidanka Millateriga oo ay gurmad u dirteen.
Xarumaha dawladda Ciraaq ee kooxda ISIS qabsadeen waxa ku jira Xafiisyada Guddoomiyaha gobolka Anbar, Xarumaha Booliska iyo dhismayaasha xarunta u ah Ciidanka Sirdoonka Ciraaq ee magaalada Ramadi, kuwaasoo ah goobo muhiim ah, iyadoo tallaabadaasina guul weyn u tahay Kooxda ISIS.
Dhinaca kale, Ururka Daacish ama ISIS, ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegtay inay jabsadeen xarumaha dawladda Ciraaq ku leedahay magaalada Ramadi, arrintaasina ay tahay mid muujinaya awooda ciidan ee ay u leeyihiin dagaalka ay kula jiraan dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Isbahaysiga caalamiga ah ee duqaynta dhinaca Cirka ah ku haya degaannada ay maamulaan.
“Dagaalyahannada dawladda Islaamiga ah waxa u suurtogashay inay si buuxda ula wareegaaan Xafiisyada maamulka Ciraaq ku leeyahay magaalada Ramadi, waxaanay dagaalyahannadu markii hore fuliyeen weerarro qaraxyo ah oo lagu dilay murtadiinta (Ciidanka Ciraaq), ka dibna waxay qabsadeen xafiiska Badhasaabka iyo xarumaha Taliska Booliska.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Kooxda Daacish.
Hawlgalka Daacish ku qabsadeen xarunta gobolka Anbar ee dalka Ciraaq, ayaa dhabar-jab ku ah dawadda Ciraaq oo dagaal kula jirta ururkaas, iyadoo Ra’iisal-wasaaraha Ciraaq hore u sheegay inay samayn doonaan wax kasta oo ay ku ilaalinayaan ammaanka gobolka Anbar, kadib markii ciiddamada dalkiisu ururkaas ka xorreeyeen magaalada Tikrit oo ay in badan maamulayeen Ururka ISIS.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment