Friday, May 15, 2015

Sirdoonka Maraykanka Oo Weeraray Goob Carruurta Lagu Xannaaneeyo Oo Soomaalida Dalkaasi leedahay

carcMinneapolis:May,15(Himilo)-Saraakiil katirsan Waaxda debi-baadhista FBI-da Dalka Maraykanka, ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Xarun lagu xannaaneeyo Ubadka yaryar oo dad soomaali ahi ku leeyihiin Gobolka Minisota.

Xaruntan oo lagu magacaabao Salama Child Care Center, ayaa waxa gudaha u galay tiro kamid ah Ciidamada FBI-da, waxana ay halkaas ka qaateen qalab isugu jirey Kombiyuutaro, dukumenti iyo feylal kala duwan oo ay ku shaqeynaysay xaruntaas lagu xanaaneeyo caruurta.

Saraakiisha FBI ayaa sidoo kale is hortaagay hooyooyin Soomaali ah oo goobtaas keenay caruurtooda inay gudaha u galaan xaruntaas iyagoo kuwii ku jireyna dibada u saarey xilli ay saraakiishaas ay ku mashquulsanaayeen inay ka urursadaan goobtaas macluumaadka ay uga baahneeyeen baadhitaankooda.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment