Hargeysa,19 May, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray dhismaha Iimaan Center oo ah dabaq hoy u noqday ganacsi casri ah oo laga hirgeliyey caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
[gallery ids="19544,19543"]
Dhismahan oo ka kooban Afar dabaq oo laga hirgeliyey ganacsi isugu jira huteel loo qaabeeyey habka casriga ah ee guryaha goglan ah oo la yidhaa Golden Hotel Apartments iyo suuq-yare ka kooban dukaanno iibinaya badeecadaha kala duwan, waxa laga hirgeliyey xaafadda Jig-jiga yar ee degmada Ibraahim Kood-buur ee magaalada Hargeysa.
Xaflad loo sameeyey daah-furka dhismahan iyo ganacsigiisa oo ka qabsoontay hoolka cabbitaanka ee huteelka Golden Apartments maanta, waxa ka qaybgalay masuuliyiinta hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Bari Md. Cali Maxamuud Axmed (Sandulle), Guddoomiyaha Komishanka La-dagaallanka AIDS Prof. Cabdi Cali, xildhibaanno ka kala tirsan Golayaasha Baarlamanka iyo degaanka ee Hargeysa, salaadiin, culimaa’udiin, abwaanno, aqoonyahanno, ganacsato iyo marti sharaf kale, waxaanna halkaasi laga jeediyey hadallo isugu jira hambalyo iyo duco loo diray mulkiilaha dhismahan oo magaciisa la yidhaa Eng. Cabdirashiid Muuse Iimaan.
Ugu horreyn, Faysal Daahir Digaale oo ka mid ah maamulka xaruntan ganacsi, ayaa sheegay in dhismaha aqalkani socday muddo afar sannadood ah si uu u noqdo mid raandhiis leh oo noqda mid soo kordhiya wax ka duwan wixii hore u jiray, kana kooban yahay laba qaybood oo kala ah; dukaamo ganacsi oo labada dabaq ee hoose ah iyo huteel nooca guryaha goglan ah ee casriga ah.
“Waxaynu ognahay in magaalada Hargeysa kirada guryuhu adag tahay, sidaasi darteed waxaannu soo kordhinay Golden Hotel Apartments oo u diyaarsan sida guryaha caadiga ah oo ay degi karaan qoys ballaadhan, mid kooban, aroos ilaa hal qof oo haya wax kasta oo adeeg guri lagu noolaado leeyahay iyo waxyaabo u dheerba,” ayuu yidhi Faysal Daahir Digaale.
Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Bari Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle) iyo Guddoomiyaha Komishanka Xakamaynta iyo La-dagaallanka AIDS-ka Prof. Cabdi Cali, ayaa hadallo ay madasha ka jeediyeen ku bogaadiyey mulkiilaha dhismahan oo ay ku sifeeyeen nin hantidiisa geliyey horumarka dalka, kaas oo soo kordhinaya shaqo-abuur iyo dakhli cashuureed oo u soo xerooda dawladda, waxaanay ugu duceeyeen inuu Ilaahay barakeeyo.
Sidoo kale, Sheekh Xasan Cabdisalaan oo culimada ka socday iyo ganacsade Mustafe Dahable, ayaa iyaguna ka hadlay shakhsiyadda mulkiilaha Iimaan Center oo ay ku tilmeemeen inuu yahay nin dadnimo wanaagsan leh oo lagu yaqaanno inuu maalkiisa ku bixiyo meel khayr leh.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo soo xidhay khudbadaha xafladdaasi, ayaa soo dhaweeyey hirgelintan xaruntan ganacsi iyo adeegyada ay soo kordhisayba, isagoo xusay in mulkiilaheeduna yahay muwaadin ducaysan.
Himilomedia.com
Hargeya-somaliland
No comments:
Post a Comment