Friday, May 15, 2015

Hoggaamiyaha Kooxda Daacish Oo Farriin Cusub Soo Diray Iyo Warar Hore u Sheegay In Reer Galbeedku Dileen Oo Beenoobay

baqdaadiMousil:May,15,2015(Himilo)-Baraha ay Xagga Internet-ka ku leeyihiin Kooxaha Daacish, ayaa lagu baahiyey Farriin cusub oo cod ah oo uusoo diray Hoggaamihooda Abubakar Baqhdadi Oo Muddooyinkii Dambe aan War cad laga Haynin.

Fariinta Codka uu soo diray ayaa waxaa baadhitaan ku sameeyay Khubaro garanaya codka ninkaasi kuwaa oo sheegay in fariintan uu yahay mid xaqiiqo u dhaw usoo diray Hogaamiyaha Kooxda Daacish Abubakar Al-baqdaadi.

Abubakar Al-baqdaad ayaa bishii march ee sanadkan la sheegay in uu ku dhaawacmay Duqeyn ay geysteen Diyaaradaha dagaalka Mareykanka, waxaana waxii xiligaa ka dambeeyay aan warkiisa la helin Hogaamiyaha Daacish oo marar kala duwan Warbaahinta warar kala duwan xaaladiisa ka qorayeen.

Fariintan codka uu soo duubay Hogaamiyaha Dowlada Islaamiga (Daacish) Sheekh Abubakar Al-baqdaadi ayaa meesha ka saaraysa Wararka la xidhiidhay in uu geeriyooday ama uu qabo dhaawac halis ah, hasa ahaatee waxaa soo baxaya shaki la xidhiidha in uu dhaawac gaadhay maadaama aan lasoo bandhigin Muuqaalkiisa .

Codka uu soo duubay Sheekh Abubakar Al-baqdaadi oo soconaya 33-daqiiqo ayaan u muuqan nin qaba dhaawac culus , waxa uuna Fariintiisa qeyb kamid ah uga hadlay Duqeynta ay Dowlada Sacuudigu horboodeyso ee lagu hayo Dalka Yaman.

Kooxda Daacish ayaa fariintan Codka ah ugu tala gashay in ay meesha uga saarto wararka la xidhiidha in uu dhintay ama uu qabo dhaawac halis ah qabo Hogaamiyahooda oo mudooyinkii dambe warkiisa la la'aa.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment