Tuesday, May 19, 2015

Madaxweyne Ku-xigeenka oo reer Awdal si adag ugala hadlay adkaynta nabadgelyada iyo midnimada

Boorama, 19 May, 2015 (Himilo)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal kala qaybgalay Xuska 18-ka May ee 24-guurada ka soo wareegtay gooni-isu-taagga, waxaanu hambalyo iyo bogaadin u digay guud ahaan Bulshada Somaliland iyo Ciidammada qalabka sida, isla markaana waxa uu ugu baaqay midnimada, wada-jirka iyo nabadgelyada ilaashadaan dadweynaha reer Awdal.
Waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenku sidoo kale midnimo iyo wada-jir ugu baaqay guud ahaan Bulshada Somaliland meelkasta oo ay joogaan, isagoo maalintan awgeed hambalyo u diriay. Md. Saylici oo khudbad ka jeediyey Fagaaraha Khayriyada magaalada Boorama, waxa uu ka sheekeeyey muhiimadda nabadgelyadu leedahay iyo doorka ay dadka reer Awdal ku leeyihiin dhismaha nabadgelyada, dawladnimada Somaliland iyo weliba heerka aqoonta ay kaga jiraan.
“Waxaynu ognahay in haddii aynu nahay reer Awdal dadkii nabadda Somaliland ku caana-maashay dhaliyey, la idinkuma faafinanayo, hortiinna lagama laha, dadkii maalintii ay maanta ka adkayd nabadda dhaliyey baan ahayn, gooni-isu-taagga Somaliland iyo dib ula soo noqoshada xornimada Somaliland ku dhisay baan ahayn. Walaaleheennii beesha dhexe markii dagaalka iyo dhibtu dhex-martay kuwii diiday inay isku dhintaan ee u gurmaday baan ahayn. In innagii maanta la innaga waaniyo nabadgelyada oo la inna yidhaahdo ha is-dilina oo maanta nabadda ha duminnina la inna yidhaahdo waa nasiib-darro.” Sidaa ayuu yidhi Saylici.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku ladhay; “Iyadoo nabadgelyada soo jirtay ay innoo keentay inay Boorama maanta noqoto Caasimad ballaadhan oo innoo keentay Jaamacaddii Hooyada waxbarashada ummadda Soomaaliyeed oo dhan, ay halkan ka abuurtay oo ay innoo keentay horumarka intaas le’eg inaynu maanta duminnaa miyay xaq tahay? Waxaynu ku sharaf badannahay waa nabadgelyada, karaamada iyo dawladnimada, waxa laga yaabaa inay in badan oo da’yari jirto oo aan ogeyn wixii la soo maray. Laakiin, inta ogeyd dhibaatooyinkii la soo maray ee geed walba lagu kala baqayey iyo maanta sida geed walba nabadda loogu seexanayo iyo saqda dhexe ee la soconayo karaamadaa iyo sharaftaa Qarannimada iyo Calankaa leh.”
“Walaallayaal waxaan leenahay aynu midnimadeenna, wada-jirkeenna iyo walaalnimadeenna ilaashanno. Ummadda reer Somaliland waxaan guud ahaan ugu baaqaynaa inay midnimadeeda iyo wada-jirkeeda ilaashato. Mar walba khilaaf iyo dhibaato way yimaaddaan, Somaliland 1991-kii illaa maanta khilaaf wuu jiraa, laakiin waxaynu leenahay Rag mar walba xallila, waxaynu ku dhammaysannaa wax kasta wadahadal, ama Bari ha ahaato ama Galbeed ha ahaato ama meel dhexe ha ahaatee cidkasta waxa diyaar loola yahay oo Madaxda Qarankani diyaar u tahay in wax kasta oo dhaca wadahadal ku dhammaysanno.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Madax-dhaqameedka reer Awdal qaarkood, Masuuliyiin uu ka mid ahaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somalilnad oo Masuuliyiinta reer Awdal ee dawladda ka tirsan ku jira, waxaanay guud ahaanba dadkii halkaas ka hadlay ka warrameen muhiimadda nabadgelyada, iyagoo xusay inay reer Awdal waajib ku tahay inay nabadgelyada iyo midnimadooda ilaashadaan, isla markaana aanay nabaddooda waxyeellaynin dad cid kale u adeegaya oo aan gudaha dalka joogin, dan iyo muraadna ka lahayn ee raba inay dumiyaan nabadda, horumarka iyo wada-jirka reer Awdal.
Dhaqdhaqaaqyo lagaga soo horjeedo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wadaan Siyaasiyiin iyo Suldaan reer Awdal ah, ayaa dhawrkii bilood ee u dambeeyey laga dareemayay gobolka Awdal, ka dib markii uu Suldaan Abiibbakar Cilmi Wabar uu Malleeshiyaad hubaysan urursaday, isla markaana u tallaabay dhinaca Xadka Itoobiya ee Koonfurta Boorama, halkaas oo uu kaga dhawaaqay Maamul ku lid ah Somaliland oo uu sheegay inuu hoos-tagi doono Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena Malleeshiyaadkiisu dhawr weerar oo hubaysan ku soo qaadeen fadhiisimmada Ciidammada Qaranka ee Qul-ujeed iyo deegaanno kale oo Awdal ka tirsan, waloow aanay guul muuqata kala tegin, arrimahaas ayay digniintan iyo talooyinkan masuuliyiintuna salka ku hayeen oo ay la xidhiidhsanaayeen.
Himilomedia.com
Hargeya-somaliland

No comments:

Post a Comment