Burco, 19 May, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa dadweynaha reer Burco kala qaybgalay Dabbaal-degga 18-ka May oo sannadkan ku beegan 24-guurada ka soo wareegtay maalintii gooni-isu-taagga Somaliland lagaga dhawaaqay magaalada Burco 1991-kii, halkaasoo si weyn dadweynuhu shalay ugu muujiyeen qiimaha ay ku leedahay dal iyo dad ahaanba 18-ka May, halkaas oo uu ka soo jeediyey in Ciidammada qalabka sida ay dawladdu u kordhiso Mushaharka.
Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa Masuuliyiin kala duwan oo dadweynaha kala hadlay fagaaraha Khayriyada magaalada Burco, ayaa ka sokow hambalyada uu shacabka u diray waxa uu si gaar ah u hambalyeeyey Ciidammada qalabka sida ee Somaliland oo uu ku ammaanay gudashada waajibaadka Qaran ee ay hayaan, waxaanu dawladda u soo jeediyey in Musharharka loo kordhiyio Ciidammada.

“Walaallayaal waa in Ciidammadeenna aynu garab-istaagnaa, waa in Mushaharka loo kordhiyaa, waa in damiirka loo shidaa, maantoo kale waa in Hilib la siiyaa Walaallayaal, waa in Lacag la siiyaa oo la dhiirrigeliyaa. Walaallayaal Ragga (Ciidanka) innoo heeganka ah ayaan salaam u dirayaa inta aynu innagu halkan habar-habarta isku haysanno.” Sidaa ayuu Guddoomiyaha UCID.
Faysal Cali Waraabe, waxa uu intaas ku daray; “Muqdisho waxaa fadhiya maanta oo Adduunka dhakada ka saaray Carruur yaryar oo ku kacday Iskuulkii Maxamed Siyaad Barre, oo aan garanayn wixii aynu ahaan jirnay iyo inaynu Qaran ahaan jirnay, oo aan garanayn inaynu halgan galnay, oo in la inna xasuuqay aan ogayn oo Idaacadda ka dhegaysan jiray Kubbaddii gobollada ayaa Hargeysa lagu qabanayaa innagoo halganka ku jirna, waxay innoo haystaan in innaga iyo Garbahaarray isku mid nahay, innaga iyo Garoowe, Kismaayo ayay inna simayaan.”
Guddoomiyaha Xisibga UCID waxa uu sheegay Masuuliyiinta uu Ciyaalka ugu yeedhay inay ku jiraan gudaha Taangiyada Ciidammada nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya ee dalalka Midawga Afrika ee AMISOM ka socda, waxaanu yidhi; “Walaallayaal Ciyaalkaasi waxay ku jiraan Taangiyo African wadaan, waxaa Xukuma Nin Ingiriis ah oo Nicholas Kay la yidhaa oo amarka siiya, Soomaali wuu baabbiiyay oo wuxuu ka dhigay 5 qaybood. Hadda innagay innoo soo jeesteen oo leeyihiin Somaliland halla soo qabto. Garoowe miyey inna qaban kartaa? Waa maya!.”
“Dalkan waa la xoreeyay waa loo dhintay, 85% dhalinyaro ayaa joogta, mustaqbal baad u baahan tihiin oo reer hebel iyo reer hebel Mustaqbalkiinna dhisi maayo ee Somaliland ku hadaaqa. Qabyaalad cidda idiinla timaada walaalayaal iska naara waa Shayaadiine. Dad u dhashay Somaliland ayaa Muqdisho jooga oo Khaatumo la baxay oo USP la baxay Alle ha soo hadeeyo ayaan leeyahay kuwaasna.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in isaga iyo Wefti UCID ah oo uu hoggaaminayaa ka soo laabteen gobolka Sool oo ay Ciidammada Millateriga iyo Booliska Deeq Dawo iyo Xoolo nool isugu jirta ku gaadhsiiyeen labadaas Ciidan Axaddii dorraad, kuna soo laabtay Burco oo uu shalay dadka kula dabbaal-degay, maaddaama oo ay tahay magaaladii gooni-isu-taagga lagaga dhawaaqay 24 sano ka hor 18 May 1991-kii.
Himilomedia.com
Hargeya-somaliland
No comments:
Post a Comment