
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay mar uu ka hadlayey qorshaha dib loogu furayo Xafiiskii UNSOM ee Somaliland, waxa uu yidhi; “Weli qorshihii wuu socdaa in dib looga furo Xafiiskii UNSOM ee Hargeysa. Waxa loo gudbiyey qorshe-hawleedkii ugu muhiimsanaa dhinacayada ay kala shaqeynayaan.”
Sidoo kale Xoghayaha Qaramadda Midoobay, ayaa sheegay inuu soo jeedinayo dib u bilawga wada-xaajoodyadii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Waxaa ka werwersan nahay burburkii ku yimi wada-xaajoodkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland, una soo jeedinayaa in laga gudbo is-marin-waaga oo dib loo bilaabo wada-xaajoodka. Wakiilkayga gaarka ah ayaa kala socon doona Somaliland iyo Soomaaliya, tallaabada labaad ee looga gudbayo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment