Saturday, May 16, 2015

Xuska 72-guurada Maalinta Dhalinyarada Soomaaliya iyo Madaxweynaha oo socod ku dhex-maray Muqdisho

Muqdisho, 16 May, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Hambalyo u diray guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu ugu hambalyeeyey 72-guurada ka soo wareegtay Aasaaska dhaqdhaqaaqii dhalinyaradii xornimo-doonka Soomaaliya hoggaaminayeen oo sannad kasta la xuso 15-ka bisha May oo Jimcihii shalay si weyn Xuskeeda looga oogay magaalada Muqdisho ee Caasimadda, gobollada iyo degmooyinka kale ee dalkaas.

[gallery ids="19390,19389"]

Munaasibadda loogu dabbaal-degayey 72-guurada Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaa ka qaybgalay ka sokow Madaxweynaha, Masuuliyiinta kale ee laamaha kala duwan ee dawladda Federaalka, Dhalinyaro tiro badan, Ciidammada Qalabka sida, Saraakiishooda, Kumannaan dadweyne ah iyo Xubno ka sii jooga Ururkii dhaqdhaqaaqa Xornimo-doornka Soomaaliya ee Dhalinyaradii SYL, waxaanay Kumannaankaas qof ee Shacabka iyo Masuuliyiinta isugu jira iyo Madaxweynuhu socod ku mareen qaar ka tirsan Waddooyinka Caasimadda Muqdisho, iyagoo muujinayey muhiimadda ay maalintani u leedahay Soomaalida.
Socodka Madaxweynaha iyo qaybaha Bulshadu ku mareen jidadka magaalada Muqdisho ee xarunta waddanka Soomaaliya, ayaa waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxxamuud markii socodka ay soo gebo-gabeeyeen waxa uu hadal u jeediyey Kumannaanka qof ee dhalinyarada u badan ee Xuska ka qaybgalay, waxaanu sheegay Madaxweynuhu in dhalinyarada maanta joogta looga baahan yahay inay qaataan doorkii ay dhalinyaradii xornimada u halgantay qaateen oo kale, isla markaana ay jeclaadaan dalkooda iyo dadkooda.
“Farriinta aan idiin wadaa waxay tahay in dhallinyarada ay dalkooda dhistaan. Ma jirto cid aan idinka ahayn oo waddankan uu u fadhiyo, dadaalka aad waddaan waa inaad sii labanlaabtaan. Dhallinyaradii sameeyay Ururkii SYL 72-sano ka hor waxay ahaayeen kuwo naftooda u huray in Soomaaliya ay Xoroowdo, maqaam sarena ay gaadho.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, waxa uu sheegay inay muhiim tahay inay dhalinyaradu garato masuuliyadda ka saaran dalka iyo dadka, isla markaana ku dedaalaan gudashada waajibaadkaas waddaninimo maaddaama oo ay dhiigga cusub ee Soomaaliya leedahay dhalinyarada yihiin, waxaanu yidhi; “Sidaa darteed waxaan idin kula dar-daarmayaa idinkoo taas ka shidaal-qaadanayaa inaad ku dhaqaaqdaan tallaabo dalkan horumar lagu gaadhsiin karo.”
Waxa iyaguna ka hor Madaxweynaha Munaasibaddaa hadallo ka jeediyey Masuuliyiin ka socday Ururrada dhalinyarada ee hadda Soomaaliya ka dhisan, Xubno ka sii jooga Ururkii SYL, Masuuliyiin ka kala tirsan Golaha Wasiirrada, Golaha Baarlamaanka iyo Laamaha kale ee dawladda qaarkood, waxaanay sidoo kale Hambalyo u direen dhalinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan Munaasibadda 15-ka May oo sannadkan 2015-ka la xusay 72-guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururkii dhalinyarada SYL 1943-kii, kuwaasoo bilaabay halgankii xornimo-doonka ee Soomaaliya xorriyadda ku gaadhay 31 Luulyo 1960-kii.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment