Saturday, May 16, 2015

Ardayda Kulliyadda Maamulka Jaamacadda Camuud oo Shahaado kaga jawaabay qiimayn ay ku sameeyeen Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera

Berbera, 16 May, 2015-(Himilo)- Maamulka Jaamacadda Camuud ee magaalada Borama, ayaa Shahaado dhinaca Maamul-wanaagga ah guddoonsiiyey Mareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ka dib markii ay booqasho ku tageen Xarunta Haamaha Shidaalka iyo Dekedda Berbera oo ay sheegeen inay qiimayn habka maamul-wanaagga la xidhiidha ku sameeyeen.

[gallery ids="19381,19380"]

Mareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka Somaliland ee Berbera Sh. Saleeban Siciid Cali, ayaa si wayn ugu mahadnaqay Aradayda Jaamacadda Camuuda ee socdaalka ku yimi Magaalo-Xeebedda Berbera iyo Maamulka sare ee Jamacaddaas. Mareeyuhu waxa uu si qoto dheer uga warramay Wax-qabadka Haamaha ay ku tallaabsadeen muddii uu xilka hayey. Waxa kale oo uu Maareeyuhu Ardayda uga warramay LAAP (Lap) Lagu Baadhi doono Shidaalka oo laga hirgeliyey Berbera iyo ahmiyadda uu u leeyahay waddanka isagoo sheegay inay Xukuumadda Somaliland si wayn ugu baahnayd.
Sheekh Saleebaan, ayaa Xusay inuu Mashruucani ka mid yahay kuwa ugu waa wayn ee dalka laga hirgeliyey, isagoo intaasi ku daray inay ku baxday Lacag aad badani. Mareeyaha ayaa sheegay inuu Ardayda ka socota Jaamacadda Camuud si wayn u soo dhawaynayo.
Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa isaguna Ardayda uga mahad-naqay socdaalka ay ku yimaaddeen magaalada Berbera, sidoo kalena sheegay inay Jaamacadda Camuud ay ka mid tahay Jaamacadaha waddanka ee ay ka soo baxaan Ardayda ugu tayada fiican ee ka shaqeeya waddanka oo dhan. Guddoomiyaha, ayaa warbixin ku saabsan ahmiyadda Haamaha iyo Dekeddu u leeyihiin waddanka Ardaydaasi siiyey,
2020Hormuudka Kulliyada Maamulka, Maaraynta iyo Ganacsiga ee Jaamacadda Camuud Cabdisamad Cige, ayaa isaguna halkaasi ka ammaanay Maamulka gobolka Saaxil iyo sida wada-jirka ah ee ay Qaranka ugu shaqeeyaan. Waxa kale oo uu sheegay inay u garteen Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera Shahaado Maamul-wanaagga ah ka dib qiimayn ay ku sameeyeen dhanka Xisaab-Xidhka ee Haamaha Kaydka Shidaalka Somaliland ee magaalada Berbera.
Pro: Maxamed Maxamuud Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Jamacaddaas iyo sidoo kale Xubno Sare oo ka socday Jaamacadda Camud ee Boorama. Mareeyaha Haamaha Shidaalka, ayaa Qado-Sharaf ku Maamusay Ardayda ka socotay Jaamacadda Camuud qaybta Maamulka ee Jamacaddaas.
Ardayda ayaa sidoo kale booqday Dekedda Caalamiga ah ee magalada Berbera, iyagoo halkaasi warbixinno la Xidhiidha dhoofka iyo soo dejinta Dekedda ka dhegaysatay Saraakiil ka tirsan Dekedda ah Berbera. Ardaydaas oo tiro ahaan gaadhaysay ilaa 40 iyo Xubno sare oo ka socday Jamacadda Camuud.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment