
Cali Khaliif oo haatan ku sugan Dalka Maraykanka, ayaa sheegay inay jirto saaxiibtinimo Qoto dheer oo u dhexaysa Isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo, taas oo ka Soo Bilaabantay dhinaca Hanaqaadkooda oo isku Ollog ahaa,
“Siilaanyo waa Nin aanu Saaxiib Nahay aadna usoo wada shaqaynay, iskuullada waa iiga horreeyey. Dalkaa ingiriisku wax ku bartay anna dalkan maraykankaan wax ku Bartay, 64-kii Buu Somalia ku Noqday anna 65-tii baan ku noqday shaqaale Dawladeed Baanu wada ahayn. Waa is niqiinay Reerkiisa iyo Kaygu asxaab bay ahaayeen, waana nin aanu dadka isaga sokayno. Laakiin siyaasaddu maalinba meel bay ku jirtaa.”ayuu Yidhi Cali Khaliif Galaydh.
Cali Khaliif waxa uu carrabka ku dhuftay innay jiraan xiiso dhinaciisa ah oo ku saabsan wada-hadalka uu la gelayo somaliland, waxana uu yidhi,
“Meelahan waxan ka Maqmaqlayaa somaliland iyo Khaatumo Wada-hadallaa u socda, wada-hadallo nooma socdaan, laakiin kuwo aanu rabno weeye kuwo aanu u badheedhayno weeye, kuwaa aanaan qarsanayn weeye.”
Himilo Media
No comments:
Post a Comment