
Tallaabada lagu beddelay ciidankii ilaalada ka ahaa xarunta Baarlamaanka, ayaa la sheegayaa inay bilow u tahay tallaabo madaxtooyadu dabada ka riixayso oo la doonayo in meesha lagaga tuuro Guddoomiye Cirro oo mooshin ka dhan sabtida loo ballansan yahay.
Beddelaadan lagu sameeyey Ciidanka ilaalada Baarlamaanka, ayaa waxa uu ka dambeeyay Kulamo xidhiidh ah oo oo dhawrkii habeen ee u dambeeyay ka socday Aqalada Madaxtooyada iyo Aqalka Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, kulamadaas oo lagu go’aamiyay in maalinta Sabtida ah Weerar Xilka lagaga qaadayo Gudoomiyaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Cirro, waxaaana shalay oo Khamiis ah ay Xukuumadu bilawday diyaar garaw ay Maalinta Sabtida ah ay ugu talogashay inay kula wareegto Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wafti ballaadhan oo uu Hoggaaminayo, ayaa Habeenkii xalay Guure kusoo galay Hargeysa, waxana uu shirar kala duwan maanta la leeyahay Xubnaha kooban ee isaga taageersan, iyagoo dejinaya qorshe ay kaga Badbaadi karaan Dabinta looga soo qoolay Madaxtooyada ee Meesha lagaga tuurayo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment