Sunday, November 16, 2014

Madaxweynaha oo iftiimiyey Xil-gudasho la’aan Dul-hoganaysa Golaha Wakiillada

Waxa uu baaq u jeediyey Shacabka, Axsaabta Qaranka iyo Golaha Wakiillada

Hargeysa, 16 Oct, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan Golaha Wakiillada iyo mudaharaad shalay ka dhacay magaalada Burburay oo sababay dhimashada hal qof oo dumar ah iyo dhaawac dhowr qof oo kale, waxaanu ku gooddiyey inaanu madaxweyne ahaan cidna ka aqbali doonin inay waxyeello u geystato ammaanka iyo xasiloonida dalka.
DSC_0021Madaxweynaha Somaliland waxa uu meesha ka saaray inay xukuumaddiisa wax faro-gelin ah ku hayso Goleyaasha Sharci-dejinta, waxaanu guddoomiyaha Golaha Wakiillada ku eedeeyey inuu masuul ka yahay muranka sharci ee ka taagan golaha iyo rabshadaha khasaaraha nafeed ka dhasheen ee shalay ka dhacay magaalada Burco, taas oo uu sheegay madaxweynuhu inay ku timi baaqyo beelaysan oo axsaabta mucaaradka ahi u jeediyeen shacabka.
Madaxweynaha oo shalay shir-jaraa’id oo warbaahinta qaarkeed loogu yidhi ku qabtay Madaxtooyada, waxa uu tacsi u diray Qoyska, Ehelada iyo Shacabka Somaliland ee ay ka baxday Marxuumadda ku dhimatay Muddaharaad shalay ka dhacay Burco, waxaanu shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan xasiloonida, deggenaanshaha iyo nabadda Somaliland magaca iyo sumcadda ku leedahay.
“Bulshada Somaliland dhammaan waan salaamayaa, waxaa ka xumahay in ay dhacdo maanta khilaaf iyo shiqaaqo uu abuuray Golaha Baarlamaanka. Waxay Hay’adaha ay khusaysa isoo gaadhsiiyeen in sababtaa awgeed loo dhaawacay ciidamadii ammaanka sugayey, hal qof oo shicib ah ku dhintay, afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Qaraabadii iyo eheladii iyo dhammaan dadka Jamhuuriyadda Somaliland waan uga tacsiyaynaa, aadna waan uga xumahay,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu shacabka iyo Ciidamada Ammaanka ugu baaqay, “Waxaan leeyahay nabadgelyada hala illaaliyo, ha lala shaqeeyo ciidanka booliiska, iyo guud ahaan Hay’adaha ammaanka ku hawlan, ammaanku waa shayga ugu qaalisaan ee qarankani haysto, aniguna Madaxweyne ahaan waa masuuliyadayda koowaad, cidna ka yeeli maayo in nabadgelyada iyo khalkhal la galiyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Md Axmed Siilaanyo waxa uu iftiimiyey xil-gudasho la’aan uu ku dhaliilay Golaha Wakiillada oo xusay inaanay waajibaadkooda sharci ka gudan ansixinta xeerar muhiim ah oo Golaha horyaala, waxaanu yidhi, “Waxaan leeyahay Golaha Wakiilada waxaa idin saaran masuuliyad culus oo bulshadu idinka fadhido, ma aha in aad maalin walba is haystaan oo Qaranka qas gelisaan, dhammaan waxaa idiin soo gudbiyey Xeerarkii muhiimada Qaranka u lahaa. Xeerkii Ammaanka, Xeerkii Doorashada, Miisaaniyadii Qaranka, Komishankii Doorashooyinnka.”
“Waa khalad in Guddoomiyuhu maalin kasta nagu eedeeyo in aanu faragelin ku hayno Golaha, mana jirto. Shaqada Qaranku idinka sugayo ka hawlgala, idinkuna wixii dhexdiina yaalla wada hadal ku dhammaysta, sharcigana u hoggaansama,” ayuu yidhi Md Siilaanyo.
Md Siilaanyo waxa uu la hadlay Xisbiyada Mucaaradka ah, waxaanu yidhi, “Xisbiyada waxaa loo sameeyey in qabyaaladda lagaga baxo, waa nasiib darro in maanta qaarkood ay kasoo baxdo baaqyo qabyaladeed, waxaan leeyahay qarankan waxaad u haysaan masuuliyad, waxaana waajib idinku ah in aad illaalisaan sumcadda, sharafta, iyo haybadda qaranimada.”

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment