“Xildhibaannada in layska raadsado maaha, ixtiraam bay mudan yihiin, laakiin wixii sharciga ka gudba ee ku xad-gudba, dee sharciga kama weyna,”
“Xildhibaannada Dastuurkaa xasaanad siiyey, ilaa xasaanadda laga qaadana lama xidho, taasina waxay ka mid tahay uun tallaabooyinka qaldan iyo inqilaabka meesha ka socday baaxaddiisu intay le’kayd.”
Hargeysa, 16 Nov, 2014 (Himilo)- Shan xildhibaan oo ka tirsan mudaneyaasha Mucaaradka ah ee Golaha Wakiillada oo ciidamada Ammaanku shalay xabsi u taxaabeen, ka dib markii lagu eedeyey inay abaabulayeen mudaharaad aan sharci ahayn, ayaa xalay fiidnimadii xorriyaddooda loo soo celiyey.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan, Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, Xildhibaan Maxamed Saalax iyo Xildhibaan Xuseen Cige, ayaa lagu xidhay xarunta Laanta Dembi-baadhista Ciidammada Booliska ee CID-da, waxaana lagu eedeeyey inay abaabuleen bannaan-bax aanay fasax u haysan intii lagu gudo-jiray fadhigii Golaha Wakiillada ee Guurtidu baajisay.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa sharci-darro iyo gef dastuurka lagula kacay ku tilmaamay xadhigga xildhibaannada maadaama ay haystaan xasaanad dastuurka iyo shuruucda dalku siiyeen isla markaana aan la xidhi karin ilaa xilka laga qaado.
“Xildhibaannada Dastuurkaa xasaanad siiyey, ilaa xasaanadda laga qaadana lama xidho, taasina waxay ka mid tahay uun tallaabooyinka qaldan iyo inqilaabka meesha ka socday baaxaddiisu intay le’kayd. Waxa kale oo la xidhay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga oo uu ka mid yahay guddoomiyaha Garabka dhalinyarada,” Sidaas ayuu yidhi Md Cirro oo shalay warbaahinta kula hadlay magalada Hargeysa.
Guddoomiye Cirro waxa uu ku baaqay in mudaneyaasha la xidhay xorriyaddooda loo soo celiyo, waxaanu yidhi, “Markaa waxaan soo jeedinayaa xildhibaanadaas xasaanadda laga qaaday sharci-darray ku xidhan yihiin, waana in si dhakhso ah xoriyaddooda loogu soo celiyaa, arrintaasina waa gef sharci, gef dastuuri ah weeyi.”
Haseyeeshee, Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inay xildhibaannadu ixtiraam iyo qaddarin lagu maamuuso ka mudan yihiin balse aanay sharci dalka ka weynayn. “Xildhibaannada Sharciga kama weyna, xildhibaannada in layska raadsado maaha, ixtiraam bay mudan yihiin, waana la ixtiraamaa, laakiin wixii sharciga ka gudba ee ku xad-gudba, dee sharciga kama weyna,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland oo shalay shir-jaraa’id oo warbaahinta qaarkeed loogu yeedhay ku qabtay Aqalkiisa madaxtooyada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment