Saturday, November 15, 2014

Qiimaha Shidaalka ee Dunida oo Hoos u dhacay iyo Somaliland oo uu kor u sii kacayo

New York, 15 Nov, 2014 (Himilo)- Qiimaha Saliidda Ceedhin ee Adduunka, ayaa hoos-u-dhac ku yimi, sida ay shaacisay Wakaalada tamarta caalamka ee IEA, taasoo sheegtay in si weyn loo filayo sii socoshada qiimo dhaca kala iibsiga Saliidda iyo Gaas-ta caalamka, halka ugu hooseysana ay gaadhi doonto sannadka 2015-ka, halka dalka Somaliland qiimaha kala iibsiga Shidaalku kor u sii kacayey dhawaanahan.
The IEA, oo arrimaha Shidaalka kala talisa 29 dal oo caalamka ah, ayaa daboolka ka qaadday in toddobaadkani ahaa mid si weyn uu hoos ugu dhacay qiimaha Shidaalku, waddanka Maraykankana halkii Foosto qiimeheedu ka hoos maray $80, taasoo aan wali ahayn bay yidhaahdeen kii ugu hooseeyey ee la filayo inuu hoos uga sii dhaco sicirkaas.
Jimcihii shallay, Brent Crude, oo ka mid ah Shirkadaha qiimo dhimista ugu ballaadhan ee Saliidda iyo Gaasta sameeyey ee caalamka, ayaa siinayay foostadii Shidaal ah $78.13, taas oo ah qiimihii ugu hooseeyey muddo afar sano ah.
“Wey cadahay in bog cusub u bilaabmay taariikhda suuqa shidaalka caalamka.” ayay tidhi Wakaaladda the IEA, waxaanay intaas ku dartay; “Iyadoo ay wali jiraan caqabo hor taagani, hoos u dhaca qiimaha hadda ku bilowday waa mid hoos usii socon doona ilaa bilowga sanadka 2015.”
Wakaaladdan oo la aas-aasay kadib qiimo korodhkii mucjisada ahaa ee ku yimid saliida caalamka sanadii 1970 kii si ay talooyin u siiyaan badi wadamadii soo waaridi jiray saliida, ayaa sheegtay in cadaadiskan keenay qiimo jabintan shidaalka ugu horeyn la saaray shirkada Opec inay joojiso qiimaha sare ee ay wax ku iibinaysay.
Waxaa jira warar sheegay in waddanka Saudi Arabia oo ah isha ugu weyn ee ay OPEC Saliidda ka hesho aanu diyaar u ahayn aqbalaadda dhacdooyinkan. Xubnaha OPEC, ayaa shir isugu imanaya 27 ka bishan November si ay uga wada xaajoodaan adeegyadooda iyo qiima dhaca ku yimid. Balse, dalka Somaliland ayaan weli laga dareemin hoos-u-dhaca ku yimi qiimaha kala iibsiga Saliidda iyo Noocyada Shidaalka, iyadoo taa beddelkeeda laga dareemayay bilihii u dambeeyey kor u kac kolba heer ah oo ku imanayey qiimaha Shidaalka, gaar ahaan Baadroolka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment