Saturday, November 15, 2014

Nuxurka Heshiis dhinacyo kala duwan leh oo Hargeysa ay ku kala Saxeexdeen dawladaha Somaliland iyo Ethiopia

Hargeysa, 15 Nov, 2015 (Himilo)- Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa heshiis is-afgarad oo khuseeya Ganacsiga, Iskaashiga Horumarinta iyo Dhaqaalaha ku kala saxeexday kulan maalintii Jimcaha ee shalay ku dhex-maray Hoteel Ambassador ee magaalada Hargeysa Masuuliyiin dawladda Somaliland ka tirsan iyo Wefti sare oo ka socday waddanka Itoobiya.
HESHIIS DHEXMARAY ITOOBIYA IYO SOMALILANDWefti heer Wasiir ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dawladda Federaalka Itoobiya Sufyaan Axmed oo Arbacadii toddobaadkii hore socdaal ku yimi dalka Somaliland, ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyey kulammo kala duwan la qaadanayey Wasiirro Xukuumadda ka tirsan iyada oo habeen hore kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxammuud (Siilaanyo).
Shir laba-geesood ah oo shalay gelinkii hore maalintii saddexaad ku dhexmaray Wasiirro ka tirsan labada dawladood, ayaa lagu gaadhay heshiis is-afgarad oo labada dawladdood isaga kaashanayaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta, waxaana heshiiskan u kala saxeexay labada dhinac Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Itoobiya Sufian Axmed.
In kasta oo aanay warbaahintu helin nuxurka qodobbada heshiisku xambaarsan yahay, waxa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha laga wada-hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Sufian Axmed.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo sharraxay waxyaabaha Labada dhinac isla garteen, ayaa yidhi, “Waxaanu isla fahanay sidii aanu uga wada shaqayn lahayn waxyaabaha naga dhexeeya ee ay ka mid yihiin Jidka Isku xidha Berbera iyo Wajaale ee Berbera Corridor, Arrinta Korontada sidii ay noogu soo galin lahaayeen maadaama Korontaddoodu jaban tahay, taayaduna qaali tahay. Waxaanu ka wada hadlay sidii ay Dekedayada Berbera horumarinteeda iyo Isticmaalkeeda uga qayb gali lahaayeen, Madaarka Berbera iyo sidii ay u isticmaali lahaayeen iyo sidii aanu isla eegi lahayn Maalgashiga iyo ganacsiga waxa xagayaga uga imanaya iyo waxa iyaga inooga umanayaba,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Sufian Axmed oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaanu magacawnay Guddi farsamo oo ka shaqeeya waxyaabaha khuseeya Qodobada heshiiskan, taasina waxay keenaysaa inaanu fulino waxyaabaha aanu ku heshiinay. Waxaan filayaa in heshiiska labada dhinac dhaqaalaha labada waddanka dhigi doono mid si wanaagsan isugu soo dhawaada.”
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah Wasiirrada shirkaas ka qayb-galay, ayaa sharraxaad ka bixiyey muhiimadda heshiisku u leeyahay labada waddan, waxaanu yidhi, “Waxa farxad noo ah inuu maanta (shalay) soo gebo-gaboobay shirkii saddexda maalmood ahaa ee aanu wada-lahayn weftigii dawladda Itoobiya oo ahaa weftigii ugu ballaadhnaa ee dalka yimaadda intii Somaliland jirtay. Shalay (dorraad) waxaanu tagnay magaalooyinka Berbera iyo Tog-wajaale annaga iyo Weftiga dawladda Itoobiya. Waxaanu tagnay meelaha la iska kaashan karo ama wax laga wada-qaban karo, labada dawladood. Runtii si fiicanbuu noogu dhammaaday, waxaanan kala saxeexannay is-faham guud oo ku saabsan siday labada dal u wada-shaqaynayaan iyo meelaha ay iska kaashanayaan, waxay aad iyo aad u danaynayaan dekedda Berbera, waxaanu aad u danaynaynaa xidhiidhka labada dal ka dhexeeya sidii ay dhinacyo badan isaga kaashan lahaayeen oo dhanka dhaqaalaha iyo maaliyaddu ugu horreeyaan.”
Wasiirku waxa uu sheegay inay labada dhinac magacaabeen guddi farsamo oo ka shaqaynaysa arrimaha labada dal iska kaashanayaan, kuwaas oo 8-da bisha December kulan ku yeelan doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo lagu sii amba-qaadi doono qodobbada kulanka shalay layskula af-gartay.
Shirkan waxa dhinaca Somaliland goob-joog uga ahaa Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Hawlaha Guud iyo guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Mudane Maxamed Xaashi Cabdi, Wasiiru-dawlaha Maaliyada Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani),
Dhinaca WEftiga Ethiopia waxa shirka uga qayb-galay Wasiirka Gaadiidka Workneh Gebeyehu, Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Ahmed Shide, Agaasimaha Logists iyo Maritime-ka Axmed Tussa, Agaasimaha Guud ee hay’addaha Jidadka Tareennada Dr. Getachew Betru, Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Amb. Solomon Abebe, Agaasimaha Iskaashiga ee Wasaaradda Maaliyadda Kokeb Misrak, Agaasimaha Shuruucda ee Wasaaradda Maliyadda Wassihum Abate, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee hay’adda Waddooyinka Itoobiya Bekele Negussie, Safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Hargeysa Brigadier General Berhe Tesfaye.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment