Saturday, November 15, 2014

“Qofka maanta dhintay ee u dhintay Distoorka aanu dhiganay nagu xukuma saw ceeb iyo fadeexad aan waligiin idinka hadhayn ma aha, Mooshin-quutayaashow…”Sahra Halgan.

Hargeysa:Nov,15,2014(Himilo)- Mujaahid Sahra-Halgan oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa si kulul uga Hadashay Tallaabada Mudanayaasha Golaha Wakiilladu ku dalbanayaan Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro).

sahraSahra Halgan oo Maanta la Hadashay Warbaahinta, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay in Mooshin Golaha la keenaa Keeno Dhimasho, iyadoo carrabka ku dhufatay in Mudanayaashii Shacabku soo doortay ay Dabada ka riixaan Mooshin Lacago badan lagu bixiyyey, “waxan aad uga xumahay in naftii dadka ay ka qiimo badatay shilin mooshin ah oo kasoo baxa Madaxtooyada dalka, waar Hadaad Ninka xildhibaanada ah ee lasoo doortay ee sharaftii iyo Karaamadii dalka sidow Hadii aad Shilin u baahan tihiin Suuqa Gobanimo ayaanu saxarad idiin dhigaynaaye ilmaadeerrayaal dalka qaska ka daaya.”ayey Tidhi Sahra Halgan.

Sahra Halgan waxa ay wax laga xumaado ku tilmaamtay dad aan waxba galabsani maanta ku dhintaan Dhibaato ka abuurtantay Mu’aamaraad ay soo abaabuleen Mudanayaal dano gaar ah lihi, waxana ay tidhi,

“Qofka maanta dhintay ee u dhintay Distoorka aanu dhiganay nagu xukuma saw ceeb iyo fadeexad aan waligiin idinka hadhayn ma ah, Wallaahi baan ku dhaartee Mooshin-quutayaashow inaan la idinkaga Hadhayn Dalka haddaad sidaas udhaami weydaan.”

Sahra Halgan ayaa waxa ay kamid tahay Saraakiisha xisbiga Waddani, waxana ay hore uga mid ahaan jirtey Halgamayaashii SNM, iyadoo door muhiim kasoo qaadatay Ololihii Xisbiga Kulmiye ku qabsaday Talada Waddanka.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment