
Ra’iisal Wasaare C/weli oo laba xaasle ah, ayaa waxay mid ka mid ah degan tahay Gurigii Saacid, iyadoo midda kalana ay degan tahay dhismaha ka soo horjeeda albaabka hore ee Madaxtootada Muqdisho.
Wasiirka 1-aad ee Xukuumada, ayaa maalintii Khamiista si rasmi ah u xidhay laamiga ku yaala inta u dhaxeyso ilinka hore ee Madaxtooyada laga galo iyo hoyga ka soo horjeeda. Markii hore waxaa yaalay gaadiidka Cabdi Billaha, ama Baabuurta Dheeraysa ee 4.5-ka loo yaqaano, balse waxa uu xilligaan ku gooyay gawaadhida qufulan ee Amisom.
Tani, ayaa waxay ku soo aadeysaa, iyadoo uu Dorraad galab Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliya General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, ayna jiraan warar sheegaaya in la khaarajiyay.
Sidoo kale waxaa la Odhan karaa waxay amuurtani ku soo aaday, iyadoo Ra’iisal Wasaaruhu uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Madaxweynaha Dowladda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku eedeeyay in uu ka gaabiyay inuu la shaqeeyo, wuxuuna xilligan diirada saarayaa, sidii uu daaqada uga saari lahaa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment