Saturday, November 15, 2014

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo markii u horreysay ka hadlay Sababta loo beddelay ilaaladii Xarunta Baarlamaanka

Hargeysa, 15 Nov, 2014 (Himilo)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeya Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa faahfaahin ka bixiyey isbeddel lagu sameeyey Ciidanka ilaalada Xarunta Baarlamaanka Somaliland iyo sababta tallaabadan ku soo beegay wakhtigan iyada oo arrimo xaasaasi ah oo dhinaca shuruucda ahi ka jiraan Goleyaasha Xeer-dejinta dalka, gaar ahaan Golaha Wakiillada oo maanta u ballansan Kal-fadhigooda 26aad oo furmaya.
Taliye Fadal waxa uu qiray inay isbeddel ku sameeyeen ilaalada Ciidanka Xarunta Baarlamaanka, balse waxa uu beeniyey warar labadii maalmood ee u dambeeyey lagu sheegay in Xarunta Baarlamaanka Somaliland laga hawl-galiyey Askar ka tirsan Ciidamada hawl-gallada deg-degga ah qaabilsan ee RRU-da iyo in tiradii hore ee Ilaalada intoodii hore laga kordhiyey.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo dorraad Khamiistii taageerayaal Xisbigiisa ka tirsan kula hadlayey magaalada Burco, ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan RRU-da oo tiro badan maalintii Khamiista laga hawl-galiyey xarunta Baarlamaanka, isaga oo xukuumadda ku eedeeyey inay qalalaase ka dhex-abuurayso xarunta Golaha wakiillada.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu tilmaamay inaanay ahayn Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee RRU-da, balse ay yihiin kuwii hore u joogay oo qaar cusub oo kale lagu beddelay, isla makaana aanay tiradii hore ka badnayn.
12Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Sarreeyo Guuto Cabdilaaahi Fadal oo wax la waydiiyey jiritaanka in ciidamo RRU-da lagu wareejiyey xarunta iyo sababta wakhtigan keentay beddelaadda Ciidamada ilaalada xarunta baarlamaanka Somaliland waxa uu ku jawaabay; “Waa war aan sal iyo raad toona lahayn, oo ciidamo RRU ah maanaan geynin Xarunta Baarlamaanka Somaliland, in Ciidanka loo baahan yahay waraaqdii beddelaada ciidanka labada Xoghaye ee Golaha Guurtida iyo Wakiillada way heystaan, waana arrin nidaamka ciidanka ah oo waa wax weligeedba dhacda, waana intii hore oo joogtay oo ahayd sideed Askari.”
Taliyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Waa ciidanka Booliska ee saldhiga Galbeedka Magaalada Hargeysa oo horena u joogay, wax ciidan RRU ah oo aan keenay ma jiro, tiradii hore ee joogtay mid ka badan oo aan geynayna ma jirto, waana ciidankii awal-ba la isku beddeli jirey.”
Taliyaha oo la weydiiyey in isbeddelka lagu sameeyey ilaalada Xarunta Baarlamaanku la xidhiidho Fadhiga Golaha ee maanta furmaya, waxa uu ku jawaabay; “Annaga hawshan aanu qabanay waa shaqadayadii caadiga ahayd, mooshinkan aad sheegayso shaqadayadii maaha, wax noo yaallana maaha, waa nidaaamkii ciidaanka oo awal-ba la kala bedeli jirey.” Sidaas ayuu yidhi taliye Cabdillaahi Fadal Iimaan oo u warramay Hayaannews.com.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment