
Goob-joogayaal ku sugan degmada Baraawe, ayaa Warbaahinta qaarkeed u sheegay in rasaas iyo hub kale oo culus ay labada dhinac is-dhaafsadeen, taasoo shacabka argagax ku beertay, inkastoo aanay jirin wax khasaare ah oo dadka rayidka ah soo gaadhay sida ay xuseen Goob-joogayaasha Warbaahinta la hadlay.
Sarkaal ka tirsan Ciidammada dawladda Soomaaliya ee Baraawe ku sugan, ayaa u xaqiijiyay Saxaafadda in Al-shabaab ay soo weerartay Saldhigyadooda Baraawe, balse ay iska difaaceen, isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalka ka dhashay.
Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay habeennimadii Jimcaha weerar culus ku qaadeen degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, isla markaana ay khasaare xooggan u geysteen Ciidammada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, inkastoo aanay sheegin xaddiga ama tirade khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ay geysteen iyo ka iyaga soo gaadhay toona.
Xoogagga Al-shabaab ee weerarka qaaday ayaa dib u laabtay, iyadoo ay Saldhigyadiina weli ku sugan yihiin Ciidammada dawladda iyo AMISOM, waxaanu dagaalkani imanayaa iyadoo Khamiistii duleedka degmadaas lagu weeraray Taliyaha Guutada Saddexaad ee Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya Jen. Goobaale oo ka badbaaday dil kooxo hubaysan oo Al-Shabaab lagu sheegay isku dayeen inay ku fuliyaan.
Degmada Baraawe oo 200-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Caasimadda Muqdisho, ayaa waxay muddo lix sano ah Saldhig guud u ahayd Al-shabaab, inkastoo Ciidammada dawladda iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen badhtamaha bishii Oktoobar ee aynu soo dhaafnay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment