Saturday, January 17, 2015

Guddoomiye Cirro oo Dar-daaran iyo Duco u diray Garaad Cabdirisaaq Garad Soofe oo Buuhoodle lagu caleemo-saaray

Dubai, 17 Jan, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Duraan oo Khamiistii dorraad lagu caleemo saaray Magaalada Buuhoodle.
CiroGuddoomiye Cirro oo wakhtigan ku sugan Magaalada Dubai ee Waddanka Isu-tagga Imaraadka Carabta oo uu booqasho ku jira, ayaa duco, dardaaran iyo hamblayo u diray Garaadka Beelaha Buuhoodle ee Khamiistii la caleemo-saaray.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo Md Cirro ku saxeexan yahay, waxa uu Garaadka u rajeeyey inuu noqdo Garaad nabadeed oo Isku soo jiida bulshada hoggaanka dhaqan u dooratay iyo bulshooyinka kale ee deriska la ah. “Waxaan hambalyo ballaadhan iyo bogaadin u dirayaa Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Duraan oo khamiistii lagu caleemo saaray ama lagu caano shubay Magaalada buuhoodle, waxanan leeyahay Garaadka ilahay ha kuu fududeeyo xilkaas weyn ee dhaqan ee laguu doortay.
“Waxaan Garaad Cabdirisaaq Garaad Soobe Duraan kula dar-daarmayaa inuu noqdo Garadkii Deegaanka uu ka soo jeedo iyo Guud ahaan umada reer Somaliland ka dhiga bulsho walaalo ah oo isku duuban isla markaasna uu noqdo Garaad tilmaan wanaagsan leh,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment