Saturday, January 3, 2015

Hoggaamiyaha Sucuudiga oo si ku-meel gaadh ah Xilkii looga wareejiyey

Riyadh, 03 Jan, 2015 (Himilo)- Boqorka dalka Sucuudiga Cabdalla Ibn Cabdulcasiis oo Khamiistii dorraad xaalad caafimaad oo la soo gudbaanaatay awgeed loo dhigay cusbitaal ku yaala waddankaas, ayaa si ku-meel-gaadh ah looga wareejiyey xilka Boqortooyada Sucuudiga.
King-Abdullah-Saudi-ArabiaBoqor Cabdalle oo cusbitaal Milatari loo dhigay Xannuun ka haleelay Cunaha, ayaa xaaladiisa caafimaad deggen tahay, waxaana lagu xidhay dhuumaha Naqaska sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay boqortooyada dalkaa.
Hoggaamiyaha boqortooyada Sucuudiga oo da’diisu tahay 90 oo mushkilado caafimaad la soo dersayeen mudooyinkii u dambeeyey ayaa la sheegayaa in xaaladiisan cusub saadaal u tahay isbeddel hoggaamineed oo ka dhaca dalka.
Ku-xigeenka Boqorka Sucuudiga oo da’diisu tahay 79-jir ay xagga hooyo ka walaalo yihiin isla markaana ah dhaxal-sugaha Boqortooyda oo lagu magacaabo Salmaan, ayaa si ku-meel gaadh ah loogu caleemo-saaray xilka Boqortooyada dalkaas, lama sheegin muddada uu Boqorku ku jiri doono Cisbitaalka.
Hoggaamiyaha dalka Sucuudiga oo ah Nin lixaad ee Xukunka Boqortooyada, ayaa la magacaabay isla markaana xilkaas qabtay sannadkii 2005-tii.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment