Taleex, 03 May, 2015-(Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo hoggaaminaya Wefti Ergo-nabadeed ah oo dawladda ka socda, ayaa sheegay in Beelo dhawaan dagaal ku dhex-maray deegaanno ka tirsan gobolka Xaysimo ee xaruntiisu tahay Taleex ka aqbaleen Ergada nabadeed ee ay ku dhex-dhexaadinayaan, isla markaana labada maalmood ee soo socda ay rejaynayaan inay heshiis nabadeed oo cidda jebisaa ganaax culus ku mudan doonto ka saxeexi doonaan Beelaha dirirtu dhex-taal.

“Waxaannu halkan Taleex u nimi waxa ka dhacday Shaqaaqo dhex-martay laba Beelood oo deegaanka wada dego oo walaalo ah, shaqaaqadaasi muddo afar sano ah ayay socotay, mana ahayn wax ku bilaabantay laba Reer oo isku yaacay ama is-dilay oo Gartoodu ay hawl-yaraan jirtay oo la yaqaannay, waxay ku bilaabantay is-qabad siyaasadeed, waxa kan u dambeeyey ku dhintay dad Lix qof ah, arrintaas markaan maqalnay dawladda Somaliland way ka tashatay, dadkeeda inay u soo gurmato ayay go’aansatay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo isagoo ku sugan Taleex shalay la hadlay Saxaafadda.
Waxaanu intaas ku sii daray; “Markii ay dadka deegaankan, gobollada Sool iyo Sanaag naga soo codsadeen inaannu dadka soo kala gaadhno dawlad ahaan, waxa naga soo horreeyey Ciidammada Qaranka iyo Wefti uu hoggaaminayo Garaad Jaamac oo oo Ciidammada Qaranku yimaaddaan oo qabtay hawl wanaagsan oo ku guulaystay inay xabbaddii joojiyaan, Annaguna waxaan halkan Taleex nimi 28-kii April annagoo ka soo kicitinnay Hargeysa.”
Mar uu ka hadlay Wasiirku tallaabooyinka ay qaadeen muddada ay ku sugnaayeen Taleex waxa uu yidhi; “Waxaannu qaadnay tallaabooyin markaannu halkan nimi, waxaannu la kulannay Weftiga uu Garaadku hoggaaminayo, waxaannu la kulannay labada Beelood ee shaqaaqadu kala gaadhay, waxaannu la kulannay Beelaha dhex-dhexaadka ah ee muddada badan nabadaynta ku jiray, labada Beelood ee dhibaatadu kala gaadhay way noo hoggaansameen, way isu kaayo dhiibeen.”
“Waxay go’aansadeen kuwii dhibaatadu gaadhay waxay muujiyeen Samir iyo dulqaad, kuwii wax loo tirinayayna waxay muujiyeen hoggaansanaan iyo inay diyaar u yihiin inay nabadda qaataan. Waxaannu samaynay Roondooyin in Ciidanku Qaranku sameeyaan, in aan magaalada wax qori ah lala soo geli karin, in qofkii la soo gala, Ciidanku ka qaadayo, Xabsina uu mutaysanayo, arrimahaas oo dhami waxay wax ka tareen nabadgelyada.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Baashe Cali Jaamac.
Wasiirka oo faahfaahinaya waxyaabaha ay mudan doonaan cidda ka baxda heshiiska uu sheegay inay labada cisho ee soo socda saxeexi doonaan Beeluhu, waxa uu yidhi; “Waxaannu rejaynaynaa labada cisho ee soo socda inaannu labada Beelood-ba ka saxeexno xabbad-joojin, Qoraalka ay saxeexi doonaan waxa uu dhigayaa in ciddii xabbad-joojintaa ka gudubta laga qaadi doono Boon, Ganaax culus oo ay ku hawlgeli doonaan Ciidammada Qaranku. Ciddii dhibaatada mar dambe taabata, ama baladaa immika aannu deminnay toosisa, waxa la saari doonaa ganaax culus.”
Dawladda Somaliland ayuu sheegay Wasiir Baashe Cali Jaamac inay ku fulin doonto dhinacyada dirirtu u dhaxaysay, waxaanu yidh; “Dawladda Somaliland oo aan afkeeda ku hadlayaa arrintan qabyo kaga tegi mayso, wixii la xukumana iyadaa fulinaysa oo ciddii lagu xukumo ku fulinaysa iyadoo isticmaalaysa Hay’adeheeda Sharciga ah iyo nidaamkeeda dawliga ah, waxaanan u rejaynaynaa dadka nabadgelyo.”
Waxa uu sheegay Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland inay dawladdu dhaqaajinayso nidaamka maamul ee heer gobol iyo degmo, si ay nabadgelyada Xaysimo u noqoto mid lugo adag ku taagan, isagoo ballan-qaaday adeegyo ay ka hirgelinayaan degmada Taleex, waxaanu yidhi; “Meeshanna maamulkeedii baannu rabnaa inaannu dhaqaajinno oo Xarumuhii Booliska u samayno, Maxkamaddii u samayno oo qofkii wax loo soo geystaa meeshii uu u soo ashkatoonayey ee Booliska u samayno.”
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND
No comments:
Post a Comment