Afrika, 15 November, 2014-(Himilo)- Ururka Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, ayaa sheegay in uu tijaabin doono saddex Dawo oo ay suuragal tahay in loo isticmaalo Cudurka dilaaga ah ee Ebola, tijaabadaasoo uu ka sameyn doono Ururku Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Galbeedka Afrika oo uu Xanuunkani Kumannaan qof ku dilay.
Howl-wadeenno Caafimaadka oo ku sugan Galbeedka Afrika ayaa la siin doonaa laba dawo oo ka hortaga cudurka iyo weliba diig laga qaaday dad ka badbaaday Ebolo. Dawooyinkaas oo ay ansixisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabbilsan Qaramada Midoobay ee WHO, ayaa looga gol leeyahay in dadka uu cudurka ku dhaco ay badbaadaan 14-ka maalmood ee ugu horreeya cudurka, kuwaasoo muhiim u ah noolashooda sida la sheegay.
Dhakaatiirta aan Xuduudka lahayn ee MSF, ayaa sheegeya in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaalka lagu doonayo in lagu helo dawo wax ka tari karta cudurka, kaasi oo ilaa hadda dad ay tiradooda ka badan tahay 5 kun ku dilay dalal ka tirsan galbeedka Afrika.
Wadanka Somaliland, Ma jiro wax qiimo dhimis ah oo uu saamayn ku yeeshay suuqa aduunku, inagoo ka war hayna in bilihii ugu dambeeyey qiimo korodh la sheegay inuu ku dhacay saliida Caalamku saamayn baaxad leh ku yeeshay shacabkan saboolka ah foostadiina ku gaadhay in ka badan $250. Maanta gudaha caasimada Hargeysa foostada shidaalka ahi waa $200.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment