Saturday, November 15, 2014

Cirro oo ku Dhawaaqay in Xukuumaddu Inqilaab Sharci-darro ah kula wareegtay Golaha, Xoghihii Guud ee Wakiillada oo Xabsiga la dhigay iyo Jawaabta Shir-guddoonka Muxaafidka ah

“Xildhibaannada Muxaafidka ah waxaan rumaysnahay inaanay Mooshin wadin, laakiin Mooshin Xukuumaddu waddo oo ay Xildhibaannada qaar ku khasabtay oo la soo tahriibiyey ayay ila tahay inay wadaan inay meel-mariyaan.” “Waxa Xukuumaddu Burinaysaa Heshiiskii Guurtida hadday sidan ku waddo, waxaanay markaas tegaysaa in Xeer-hoosaadka Golaha loo noqdo..Shacabka waxaan ugu baaqayaa inay dareenkooda Muujiyaan..” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro
“Adeer wax inqilaab ahi kama jiro waddankeenna, Golahana kama jiro, ee Sabtida caadi buu u furmayaa Golaha Wakiilladu oo waa wakhtigii loo ballansanaa ee Kal-fadhiga 26-aad...Anigu waan joogay Golaha, Beddelka Ciidanku waa caadi..” Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Cali Yuusuf: Waraysi Gaar Ah

Hargeysa, 15 November, 2014-(Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xalay Saqdii dhexe shaaca ka qaaday inay Xukuumadda talada haysaa inqilaab sharci-darro ah kula wareegtay xarunta Golaha Wakiillada oo ay illaa Afar Boqol oo Askari oo isugu jira RRU iyo SPU u diyaarisay inay Sabtida maanta oo Golahaasi furmi lahaa kula wareegto hoggaamintiisa. Iyada oo ay xalay Cawayskii Xabsiga dhigeen Ciidammada Ammaanku Xoghihii guud ee Golahaas Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.
Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay muuijyaan Dareenkooda ku aaddan diidmada inqilaabka Xukuumadda Somaliland doonayso inay kula wareegto hoggaaminta Golaha Wakiillada oo loo ballansanaa in Kal-fadhigiisa 26-aad si rasmi ah u furmo Sabtida maanta, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay ka noqoto tallaabada ay qaadday, isla markaana faro-gelinta ka joojiso Golaha, sidoo kalena ay dib u celiso Ciidammada tirada badan ee ay soo dhoobtay Baarlamaanka iyo nawaaxigiisa maaddaama oo aanay jirin sabab ay Ciidamo ugu adeegsato Wakiillada Shacabku soo doortay.
Dr.-Cali-YuusufHase-yeeshee, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Md. Cali Yuusuf Axmed oo Weriye Cabdifataax I. Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo ku waraystay Khadka Taleefanka, ayaa ku dooday inaanay waxba ka jirin Mooshinka la sheegay in Xildhibaannada Muxaafidka ah ee uu ka midka yahay qorsheeyeen inay Xilka kaga tuuraan Guddoomiyaha, isla markaana waxa uu wax iska caadi ah ku tilmaamay beddelka Ciidankii ilaalada Xarunta Baarlamaanka.
cirro“Waxa dhacday in Ciidankii Golaha joogay la beddelay oo Ciidan cusub oo aan Goluhu ogeyn sidaan ka war qabo la keenay, waxay ahayd haddii Ciidan la keenayo in Masuuliyiinta Golaha lagu soo war-geliyo. Beryahan waxaynu ka war-qabnay Ciidammo si qaldan loo isticmaalo oo dadka Shacabka ah, Saxaafadda, Madaxda Asxaabta iyo Ganacsatada intaba loo adeegsado, iyadoo hawlo kale loo samaystay oo ay ka mid tahay argaggixisadu. Ciidankaa tirada Golaha la keenay waa Afartameeyo, waxa kale oo caawa (xalay) markii aan imi la ii xaqiijiyey in 400 oo Ciidan ah oo badidoodu ku jiraan ka soo horjeedka Baarlamaanka oo 250 RRU yihiin la diyaariyey si hawlgal inqilaab ah oo loogu talo-galay inuu Baarlamaanka ka dhaco lagu fuliyo.” Sidaa ayuu yidih Cabdiraxmaan-Cirro oo xalay Warbaahinta la hadlay saqdii dhexe.
Waxaanu Cirro intaas ku sii daray oo yidhi; “Waxa kale oo la go’aamiyey siday wararku noo xaqiijiyeen in afarta habeennimo ee caawa (xalay) ka bilaabma waddooyinka soo gala Baarlamaanka la xidho, si loogu diido oo looga hor-joogsado si shacbiga taageeraya Golaha ay dareenkooda muujiyaan iyo in Xildhibaannada intii aan la doonayn malaha laga hor-joogsado Golaha. Waxa kale oo wararku sheegayaan in xataa Askarta ila socota aan loo oggolaan doonin inay Golaha soo galaan. Waxa kale oo la xaqiijiyey in TV-ga Qaranka iyo Saxaafadda dawladda Mooyaane aan Saxaafadda kale loo oggolaan inay galaan Golaha.
Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu sheegay inaan Gole furmayaa Sabtida maanta aanu jirin. “Hawsha ugu horreysa ee Goluhu qabto marka ugu horreysana waxa weeye Ajandaha, Ajandaha inta aan la ansixin hawl kale lama geli karo, Mooshin lama keeni karo, Wasiir lama ansixin karo wax kalena lama qaban karo, marka Ajandaha la ansixiyo ayuun baa wixii shaqo ah ee Goluhu leeyahay la qabantaa. Laakiin, sida la sheegayo ee aad maqlayseen Beryahanba waa lagu talo-galay in Mooshin la keeno, waxaana jiray Heshiis Guurtidu ku dhex-dhexaadisay Golaha oo dhigaya inaan Mooshinno la keenin muddo-xileedkani intuu dhammaanayo, taasi waxay jebinaysaa heshiiskii Guurtida oo buri doona haddii taas la sameeyo oo ay noqon doonto Xeer-hoosaadkii Goluhu inuu markaas shaqayn doono oo 55 Cod lagu ridi doono Guddoomiyaha. Waddanka lexejeclo badan baa iga haysa, Kursigaan ku fadhiyo waxa igala qiimo badan badbaadada Somaliland.”
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Baaqyo u diraya Shacabka Somaliland iyo Xukuumadda talada haysa waxa uu yidhi; “Xukuumaddii innooga masuulka ahayd amniga inay iyadu amni-darro ay sabab u noqoto arrin lagu farxo maaha. Waxaan Shacbiga ku baraarujinayaa inay Xukuumaddu ugu talo-gashay in inqilaab aan sharci ahayni ka dhaco Golaha Wakiillada Berri (Sabtida maanta). Waxaan Shacabka ugu baaqayaa inay dareenkooda iyo taageeradoodaba ay isla garab-taagaan Golaha ay doorteen ee Wakiillada. Xukuumaddana waxaan ugu baaqayaa inay faro-gelinta ka dayso Golaha Wakiillada ama Baarlamaanka-ba oo ah laba Hay’adood oo Sharcigu simay oo aanay midina mid ku duuli karin.”
“Laakiin, Askartii Qaranka inay u adeegsato Golaha Wakiillada sidii cabbudhintii ay ku haysay Saxaafadda madaxa-bannaan oo kale oo ay qabsato Golaha Wakiillada oo ay Ciidan keento. Ma jirto Sabab intaas oo Ciidan ah ay Xukuumaddu u keento Golaha Wakiillada oo ay Waddooyinka u xidho. Shacbigana waxaannu ugu baaqaynaa inay dareenkooda muujiyaan. Xukuumaddana waxaan ugu baaqayaa inay arrintaas ka noqoto oo ay faro-gelinta ka dayso Golaha Wakiillada.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro. Sidaa ayuu yidih Cirro.
Waxaanu su’aal la weydiiyey Cabdiramxaan-Cirro oo ahayd halka uu ku dambeeyey heshiiska Guurtida ee dhigayey inaan Guddoomiyaha Wakiillada iyo Madaxweynaha toona Mooshin laga keenin, waxa uu yidhi; “Heshiiskii Guurtida ee ahaa inaan Mooshinno la keenin waxa qaatay dhinac qudha, dhinac baana Burinaya oo dhinaca Xukuumadda ayuu ka burayaa, Xildhibaannada Muxaafidka ah waxaan rumaysnahay inaanay Mooshin wadin, laakiin Mooshin Xukuumaddu waddo oo ay Xildhibaannada qaar ku khasabtay oo la soo tahriibiyey ayay ila tahay inay wadaan inay meel-mariyaan.”
Hase-ahaatee, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Cali Yuusuf Axmed oo aan weydiiyey sida uu u arko iyo sababta keentay in wakhtigan ciidammada ilaalada Golaha la beddelo iyadoo aanu Guddoomiyuhu ka war-haynin, waxa uu yidhi; “Anigu waan joogay Golaha, isku beddelka Askartu wax iska caadiya weeyaan, oo Askarta waa la isku beddelaa, tirada la keenayna waa tiro la mid ah tiradii hore u joogtay xarunta Golaha tirada la isku beddelayna waa isku mid, waana wax iska caadi ah taasi oo dhibi kuma jirto.”
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Wakiillada Cali Yuusuf Axmed oo ka jawaabayey su’aal aan ka weydiiyey in isku-beddelkaas Ciidanka ujeeddada laga leeyahay tahay inay Xildhibaannada Muxaafidka ah oo Xukuumaddu ka dambaysaa xilka ka qaadaan Guddoomiyaha Wakiillada, sababtuna beddelkuna taas tahay, waxaanu yidhi; “Adeer wax inqilaab ahi kama jiro waddankeenna, Golahana kama jiro, ee Sabtida caadi buu u furmayaa Golaha Wakiilladu oo waa wakhtigii loo ballansanaa ee Kal-fadhiga 26-aad noo bilaabmayey, inqilaabka cidda sheegaysana iyagaad weydiin.”
Mar la weydiiyey Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada inay Xildhibaannada Golaha qaarkood ku eedeeyeen Xildhibaannada Muxaafidka ahi inay wadaan Mooshin ka dhan ah ama lagu ridayo Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan-Cirro, Sabtida maantana la doonayo in Ciidammadaas la sii laban-laabo iyo waxa ku kellifay, ayuu ku dooday inaanu ogeyn wax mooshin ah oo la doonayo in Xilka lagaga qaado Guddoomiye Cirro oo ay Xildhibaannada Muxaafidka iyo Xukuumadda midkoodna wado.
“Wallaahi anigu arrintaa ma ogi, mana maqal, ma hayo warkaas. Mana jiro Mooshin Golaha la keenayo oo aan ogahay. Berrito (Sabtida maanta) waa la isu imanayaa, Guddoomiyuhu wuxu keeno ayaannu eegaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Md. Cali Yuusuf Axmed.
Kal-fadhiga 26-aad ee Golaha Wakiilladu furmi lahaa Sabtidii hore, hase-yeeshee, ay Shir-guddoonku qoraal wada-jir ay u soo saareen Guddoomiyaha iyo labada Ku-xigeen ku sheegeen inay hal toddobaad dib u dhigeen furitaanka Kal-fadhiga, isla markaana ay sheegeen in sababta dib-u-dhigistu tahay go’aan Shir-guddoon si ay isula soo eegaan una soo diyaariyaan Shir-guddoonku Ajandaha Kal-fadhiga 26-aad, kaasoo wakhtigii ay sheegeen inuu furmayana tahay 15-ka November oo Sabtida maanta ah.
Sidaa daraaddeed, waxaan Guddoomiye Ku-xigeenka labaad Cali Yuusuf weydiiyey ma jiraa Ajande aad shir-guddoon ahaan isla soo eegteen sidii aad ballan-qaaddeen Sabtidii inna dhaaftay? Waxaanu iigu jawaabay; “Maya waxaannu isla soo eegnay ma jiro, laakiin Guddoomiyaha ayaa keeni doona Ajandaha, annaguna waxaannu sugaynaa waxa uu Guddoomiyuhu keenay.” Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Wakiillada oo ka jawaabayey waxa ka jira Madax-dhaqameed la sheegay inay isu-xil-saareen isu-soo-dhawaynta Xildhibaannada Mucaaradka iyo Muxaafidka iyo Shir-guddoon ahaanba oo kulammo kala duwan la yeeshay dhinacyada inay dhinacooda weli la kulmeen iyo in kale, waxa uu yidhi; “Ma Maqal.”
Sidoo kale, waxa uu Cali Yuusuf oo aan siiweydiiyey maaddaama oo ay toddobaadkii hore ballan-qaadeen in sababta dib-u-dhigista furitaanka Kal-fadhiga 26-aad ay ahayd inay isla soo eegayaan Ajandaha waxa keenay inay isla eegi waayaan oo aanay jirin hadda wax wada-jir ugu diyaar ah, waxa uu yidhi; “Haa hadda ma jiro waxaannu isla diyaarinnay ama isla soo eegnay. Laakiin, Berri (Maanta) ayaa la isla eegi doonaa Ajandaha, Kal-fadhi kastana waxa ugu horreeyaa waa Ajandaha, kaasna waa la isla eegayaa waxa uu Guddoomiyuhu keeno.”
Waxa Cali Yuusuf aan weydiiyey maaddaama oo Sharciyan ay hadda ka hor dalabka beddelka ilaalada Xaruntu ka iman jiray Shir-guddoonka Golaha, isla markaana sida uu sheegay aanu Guddoomiyaha Goluhu waxba ka ogeyn beddelka ilaaladaas, markaa inay Ku-xigeenka koowaad iyo isaga oo ah Ku-xigeenka labaad ee Golahaas ay dalbadeen in Askartaa laga beddelo iyo in kale, waxa uu ku jawaabay; “Maya. Ciidammada waxa weeye meel baa laga xukumaa, meeshaasi hadday Ciidammadaas u baahato iyo beddelkooda iyagaa isku beddeli kara oo qaarna keeni kara qaarna qaadi kari, xoghayaha-golaha-wakiiladdaCiidanka Boolisku Talis buu leeyahay looga taliyo, kaas ayaana arrinta ciidanka ka masuul ah.”
Xoghiyihii guud ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa isagana xalay Cawayskii la sheegay inay Ciidammada Boolisku ka soo qabteen Gurigiisa magaalada Hargeysa, isla markaana ku soo xidheen Saldhigga dhexe ee Booliska ee badhtamaha Caasimadda Hargeysa, kaasoo aan illaa hadda la ogeyn sababta rasmiga ah xadhiggiisa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment