Saturday, November 15, 2014

Guddoomiye Saleebaan Oo Hakiyey Fadhigii Golaha Wakiillada Maanta Oo Buuq Badani Hadheeyey iyo Ballan dambe oo La Qaatay

Hargeysa:Nov,15,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Baajiyey Kulan Muran badani ka dhashay oo saaka ay lahaayeen Golaha Wakiillada somaliland, kaas oo la doonayey In Xilka lagaga qaado Guddoomiye Cirro.

cilmigFadhiga Maanta oo ay kasoo xaadireen kaliya Mudanayaasha Madaxtooyada ku xidhani ayaa waxa Guddoominayey Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golahaas Baashe Maxamed Faarax, waxana uu Mudanayaasha ku wargeliyey in fadhiga uu horyaallo mooshin xilka lagaga qaadayo Guddoomiye Cirro, waxase intii aan mooshinkaas la gudi galin goobta Yimi Guddoomiye Saleebaan oo wata Koox ka tirsan Mudanayaasha Guurtida, waxana uu codsaday in Dib loo dhigo kulanka si uu helo xilli waan waan lagu geli karo.

Guddoomiye Baashe ayaa ka dhego adaygay soo jeedinta Guddoomiye Saleebaan Gaal, waxana muddo kadib Guddoomiye Baashe lagu khasbay inuu aqbali ergada Guurtida, waxana lagu ballamay in muddo laba maalmood ah la qaato kadibna la iskugu soo Noqdo Wixii Guurtidu soo saarto.

Fadhiga Golaha ee Saaka ayaa sidaas ku baaqday, waxana Gebi ahaanba aan Goobta iman Mudanayaasha Mucaaridka ah oo iyagu Gaaf wareegayey Hareeraha Golahaas iyo Huteellada ku dhaw.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment