Xubnaha la xidhay, ayaa dhammaantood ahaa qaar taageersan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo loo ballansanaa Mooshin ka dhan ah, waxana lagu xidhay xarunta Ciidanka Dembi-baadhista ee CID-da.Xubnaha la xidhay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa iyo shan xildhibaan, kuwaas oo kala ah Xildh. Siciid Cilmi Rooble, Xildh.Bashiir Tukaale, Xildh. Ibraahim Mahdi Buubaa, Xildh.Naasir Cali Shire, Xildh. Jaamac Xasan Aadan, waxana ay wali ku jiraan Gacanta Ciidanka Booliska somaliland.
Xildhibaanadan ayaan la garanayn sababta loo xidhay, waxana ay boolisku ku eedaynayaan inay abaabuleen Mudaharaad aanay fasax u haysanin.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment