“Waxaannu u sheegaynaa Xisbiyada Qaranka inaannu fidinayno gogol wadahadal ah oo aannu kaga wadahadlayno arrimaha khilaafka Siyaasiga ah ee dhashay, diyaarna aannu u nahay inaannu ka wadahadalno, iyadoo aad ogtihiin Golaha Guurtidu Hay’adda dalka ugu sarraysa inuu yahay, go’aankooduna uu yahay…” Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici
“Guurtida waxeedii Illaahay ma odhan oo Aayad Qur’aan ah ma aha, Madaxweynuhu nin korodhsiimo doonaya maaha. Waa ninkaa weyn ee Siyaasiga ah, ee qofkii doonaya inuu Somaliland ka lacageystoow Somaliland…” Guddoomiyaha Xisbiga UCID
“Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay ku rejo-weyn yihiin dal iyo dibedba in lagu guulaysan doonon wadahadalkaas….” Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI
Hargeysa, 14 May, 2015-(Himilo)- Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID iyo WADDANI, ayaa soo dhaweeyey gogosha wadahadalka ee ay Madaxtooyadu u fidisay Mucaaradka si looga wadahadlo khilaafka ka taagan muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shaaca ka qaaday inay Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE gogol lagaga wadahadlo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta sannadka ka badan ee ay Golaha Guurtidu u samaysay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, taasoo ay Xisbiyada Mucaaradka ahi qaaddaceen markii ay Guurtidu ka tallaabsatay laba heshiis oo midba wakhti dhigayey, isla markaana ay muddada xil-haynta labadaas Gole kordhiyeen min sannad iyo toban bilood oo aan la isku ogeyn.
Cabdiraxmaan-Saylici oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Hargeysa, ayaa ku dooday inaanay Xukuumaddu wax lug ah ku lahayn wakhtiga Guurtidu kordhisay ee ay tahay go’aan Golaha Guurtida oo ah Hay’adda dalka ugu sarreysaa Sharciyan u leeyahay gaadhistiisa, cid uu si gaar ah ula wadaago go’aankaasna aanu jirin.
Waxa kale oo uu Saylici ku dooday inaan loo baahnayn inay Beesha caalamka ee Somaliland dhaqaalaha doorashooyinka ka taageeraa soo dhex-galaan hawsha muddo-kordhinta oo la sheegay inay meel adag iska taageen, culaysna ku saareen Madaxtooyada iyo Guurtida in go’aankaas sannadka iyo tobanka bilood ah lagu soo koobo heshiisyada dhigaya sannadka ee Guddiga doorashooyinka iyo Xisbiyadu isla gaadheen, haddii kalena lagu soo koobo go’aanka ay Xisbiyadu isla gaadheen oo dhigaya sannad, shan bilood iyo 15-cisho, balse la sheegay inay Guddoomiyaha Guurtida iyo Madaxweynaha Somaliland ku gacan-saydheen soo jeedintaas Beesha caalamka.
“Carrab iyo labadiisa daan baa is-qoonsada, khilaaf mar walba wuu abuurmi karaa, waxa haddana haddaynu ummad ahaan Somaliland nahay innoo caado ah mar walba inaynu waxeenna innagu dhammaysanno, waxaanan halkan ka iclaaminayaa Khilaafkaa Siyaasiga ah ee ka dhashay doorashooyinka iyo muddo-kordhinta, in anigoo ku hadlaya Afka Xukuumadda iyo Afka Xisbiga talada haya ee KULMIYE inaan fidinayno gogol wadahadal markaynu ka gudubno dabbaal-degga sannad-guuradeenna 24-aad ee dib u la soo noqoshada xornimada Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegan 18-ka bishan May.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.
Cabdiraxmaan-Saylici oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Waxaan halkan ka caddaynayaa ummadda reer Somaliland-na u sheegaynaa guud ahaanba iyo gaar ahaan Xisbiyada Qaranka inaannu fidinayno gogol wadahadal ah oo aannu kaga wadahadlayno arrimaha khilaafka siyaasiga ah ee dhashay, diyaarna aannu u nahay inaannu ka wadahadalno, iyadoo aad ogtihiin Golaha Guurtidu Hay’adda dalka ugu sarraysa inuu yahay. Sida Dastuurkeennu dhiganayana go’aanka ay gaadhaan yahay go’aan ay iyagu gaar u leeyihiin, go’aan ay cid kale la wadaagaan ahayn, mid ay Xukuumad la wadaagaan ahayn, mid ay Xisbiyo la wadaagaan ahayn.”
Mar uu Saylici ka hadlayey waxa keenay go’aankan Guurtida waxa uu yidhi; “Laakiin-se, haddana talooyinku meeshay ka dhasheen ahaayeen mar walba iyada oo isku ujeeddo loo wada socdo, Komishanka doorashooyinku ay wakhti soo jeediyeen, Xisbiyada Qarankuna wakhti soo jeediyeen, iyaga oo go’aanka kama dambaysta ah lahaa ay soo jeediyeen wakhti, wakhtigaasina aanu ka fogeyn wakhtigii ay soo jeediyeen Xisbiyada Qaranku.”
“Sidaa daraaddeed, haddii khilaaf ka dhashayna waxaannu diyaar u nahay in laba cisho ka dib marka dabbaal-degga 18 May innaga dhammaado, labaatanka bishan oo ku beegan Arbacadaa maanta (shalay) Arbacadeeda inaannu u furi doonno wadahadal Xisbiyada Qaranka.” Sidaa ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan-Saylici.
Waxaanu intaas ku sii ladhay; “Siday doorasho u dhici lahayd marnaba annagu kamaannu werwereegin, doorashada aynu rabnaynay waxay ahayd doorasho aan Qarankan dhib ku keenin oo la helo doorasho hal qof iyo hal cod ah (One Vote One Man) oo la helo in kolka hore la xaqiijiyo Kaadhka Muwaaddinka, iyo Kaadhka Cod-bixiyeyaasha, ka cod-bixiyeyaashu weli ma bilaabmin, ka Muwaaddinkana boqolkiiba konton in ka badani way qaadatay reer Somaliland ay gacanta ku haysato. Markaa, talana lamaannaan cararayn, horena mar walba waannu ka wadahadlaynay Xisbiyada iyo daneeyayaasha doorashooyinka, beesha caalamkana waannu uga mahadin, kolba dee sidii loo jabaa loo dhutiyaaye halkii ay dani dhigto…”
Md. Saylici waxa uu sheegay in muddada Guurtidu kordhisay wax badan ahayn, isla markaana ay afar bilood oo keliya ku kordhiyeen wakhtiga ay mudda-kordhinta ka hor Xisbiyada Siyaasaddu soo jeediyeen in la kordhiyo. Madaxweyne Ku-xigeenka, ayaa sheegay in Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ka aqballay gogosha wadahadalka, isla markaana ay kulmeen, hase-yeeshee Xisbiga WADDANI aanay weli la xidhiidhin, balse waxa uu xusay inay la kulmi doonaan Masuuliyiintiisa.
War-Saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:- “Mabda ahaan Xisbiga WADDANI wuxuu soo dhawaynayaa gogosha wadahadalka iyo wada-tashiga ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland fidiyey. Waxa Xisbiga WADDANI aamminsan yahay in wax badani ugu hagaagayaan wadahadalka qaabka loo galayo wada-tashiga Qaranka iyo ajandayaasha laga hadlayo waxaanu wada-tashi kala galaynaa Xisbiga aannu mataanaha nahay ee Mucaaradka ah ee UCID, hal-doorka iyo talo-qabeenka Somaliland.
Waxaannu mahadnaq ballaadhan u soo jeedinaynaa beesha caalamka ee danaysa horumarka iyo dimuquraadiyadda Somaliland ee heeganka u ah qabsoomiadda doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka hirgala Somaliland waqtiga Guddiga doorashooyinku cayimeen ee 1-da June 2016-ka. Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay ku rejo-weyn yihiin dal iyo dibedba in lagu guulaysan doonon wadahadalkaas.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka WADDANI.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa geestiisa soo dhaweeyey gogosha wadahadalka oo uu xusay inay iyagu Madaxweynaha ula tageen habeen-hore, waxaanu yidhi; “Waxaannu bilownay sidii caadada noo ahayd haddii aannu nahay UCID inaannu u kala dab-qaadno Axsaabta Mucaaridka ah iyo dawladda, Madaxweynaha xalay (habeen-hore) ayaannu u tagnay, balse waxay aheyd inay iyagu noo yeedhaan, laakiin annaga ayaa kheyrka qaadannay oo bilawnay wanaaggii, Rag badan oo Xukuumaddiisa ahi wey fadhiyeen annaguna saddex baannu ahayn, si fiican baannu u hoga-tusaaleynay dhibaatooyinka innaga haysta dibedda, waxaannu tusnay dhibaatooyinkaas inaan laga bixi karin haddii aynaan gudaheenna hagaajin, waxa inna hor yaal arrimo badan oo u baahan inaynu ka heshiinno doorashada horteed, waxaasoo dhana waxa loo baahan yahay in la xalliyo innagoo wax kasta xallinayna aan doorasho nadiifa galno.”
“Illaahay qofkii uu u qorayna uu siiyo, Illaahayna hoggaan kheyr qaba uu ina siiyo, halkaasi waxa lagu heshiiyey in dawladdu gogosha fidiso, sidii caadada innoo ahaan jirtay, dawladdii hore ee Rayaale qaad iyo qado ayey ku dari jirtaye qoladan waxaan leeyahay bal sharaab uun keena, laakiin gogosha aad fidiseen waad ku mahadsan tihiin, baaqii waxa soo saaray Madaxweyne Ku-xigeenka, waannu ayidsannahay inaannu gogoshaa ka qaybgalno haddii aannu UCID nahay oo dalkeennu aanu qas galin, oo shisheeye aynaan u baahannin oo sidii waxeenna aynu u dhammeysan jirnay u dhammeysanno, oo la horreysiiyo danta ummadda.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Faysal Cali Waraabe waxa uu ammaanay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi; “Madaxweynuhuna wuu mahadsanyahay oo xallay (habeen-hore) si fiican ayuu noo dhegaystay oo waxaannu isku diidnay ma jirto, Guurtida waxeedii Illaahay ma odhan oo Aayad Qur’aan ah ma aha, Madaxweynuhu nin korodhsiimo doonaya ma aha ee waxa uu u baahan yahay inuu sharaf ku tago, oo wuxuu sameeyey aan laga dhooqayn oo aan magaciisa la dilin, waayo? Waa ninkaa weyn ee Siyaasiga ah, ee qofkii doonaya inuu Somaliland ka lacageystoow Somaliland lagama lacageysto, waxa la samaystaa Bacadle.”
“Ma dhici karto in la yidhaa lacagna waan doonayaa xilna waan qabanayaa, laakiin dalkan lagu ciyaari maayo, Insha Allaahu guul bay noqon doontaa oo xal wanaagsan baannu keeni doonnaa ee nabad ku Ciida, nabad ku seexda, wax muddaharaad ah oo aad galaysaanna ma jirto, weligeenna muddaharaad kumaynaan kala bixin, waxaynu ku kala baxnaa wadahadal iyo isku tanaasul, dalkani noqon maayo Burundi oo hadda Mucaaridkii iyo dawladdii is haystaan, dalkani maalintii Illaahay uu inna siiyey guusha ee callankeenna iyo madax-bannaanideenna la soo noqonnay u diyaar-garoobaya muddaharaad geli maayo.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment